Dawadii Abaaraha – W/Q: Maxamed Cumar Jibriil

Guud ahaan degmada geeska Africa gaar ahaan inta ay Soomaalidu ka degantahay juquraafi ahaan waxa loo yaqaan saxare u eke (Simi-dissert) waana dhul qalalan, maadaama oo loogu magac daray Saxaraha oo ah meesha dhulka ugu qalalan.

Saxare u ee eekuhu waa dhulka labaad ee aduunka ugu qalalan marka la garab dhico gobol cimileedyada kale ee jira, wuxuna  helaa xadi yar oo roob ah.

Somaliland waxay dhacdaa Juquraafi ahaan 90i ilaa 11oo xaqaga waqooyi kaga beegan dhul badhaha waxanay ka mid tahay wadamada  dhaca kulaahaha oo ka mid ah gobolada diiran ama qoraxda hela mar kasta.

hadaba kala duwanaanshaha gobol cimileedyada aduunka ayaa sababa in ay kala duwanaadaan masiibooyinka ka dhacaa in kasta oo  Alle (swc) amarkiisu jiro. Hadii gobolka aan degenahay ee Saxare u eekuhu, uu caan ku yahay abaaraha waxa jira gobolo markasta ay qarqiyaan daadad, gobolo barafku aanu sanadka oo dhan ka kicin iyo gobolo duufaano ka dhacaan.

Abaaraha soo noqnoqda ee dalkeena ka dhacaa maaha kuwo ugub ah ee waa kuwo ku suntan taariikhda ummada Soomaaliyeed gobol kasta oo ay degantahayba, waxana jira abaaro caanbaxay oo sida ku cad taariikhda ummada Soomaalida lugu tilmaansado Sanado waxana ka mid ah  Abaaraha diwaanka galay ee sida wayn looga yaqaan degmada Soomaalida Abaarta dabadheer, oo aad moodo tusaaleba in ay u tahay marka laga qisoonayo abaarihii kala duwanaa ee ka soo dhacay deegaanada Soomaalida.

Akhriste hadaba  aabaari horeba  way dhici jirtay maantana way dhacday wayna dhici doontaa oo ma jirto cid baajin kartaa ALLE (swc) mooyaane, laakiin Su’aasha iswaydiinta mudani waxay tahay abaarta maxaa sababa mase leedahay si loo daaweeyo ama looga hortagi karo waxyeeladeeda?

Hadii aynu hoos ugu dhaadhacno jawaabta su’aashan u taal  Umadda Somaliland iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka geeska Africa, jawaabta aynu bixinaa waxay noqonaysaa “HAA” way jirtaa sabab keentaa isla markaana way jirtaa sifo lagu yarayn karo waxyeelada ka iman karta abaartu marka ay dhacdo.

Ugu horeyn Abaartu waxay ka midtahay masiibooyinka kala duwan ee aduunka ka dhaca masiibooyinkaas oo badi ka dhasha marka ay bulsho meel dagani arki waydo nimcada ILAAHAY ku galadaystay isla markaana halkii ay kaga shugriyi lahaayeen ay ku caasiyaan Raxmaankii nimcada ku manaystay, qodobkaasi waa ka ugu muhiimsan ee keena masiibooyinka aduunka ka dhaca oo ay ku jirto Abaartu.

Abaartu waa tusaale kooban oo ka turjumaya baaxada ay leedahay ciqaabta Alle (swc) iyo  cidii uu la doono in uu waxyeelo u gaysto  aanay jirin cid ka difaacaysa iyo cid ka hor istaagaysaa toona waana qayb ka mid ah cadaabka oo Alle (swc) uu adoomihiisa dhadhansiinayo si ay uga toobad keenaan ficilada xun ee sababta u noqday in  la ciqaabo si ay tubta toosan ugu soo laabtaan.

Midaasi waa sifaha guud ee abaarta iyo masiibooyinka iyo sida ay ku yimaadaan, laakiin hadii aynu hoos ugu daadagno Abaaraha ka dhaca Somaliland iyaga oo ka mid ah masiibooyinka aduunka ka dhaca hadana waxa saamaynta labaad leh gobol cimileedka iyo  qaabka uu dalkeenu u samaysanyahay oo ka qayb  qaadanaya in abaaruhu si fudud u dhacaan, sidii aynu hore u soo xusnay waxaynu dhacnaa gobolka kulaaha oo hela qorax joogta, roobka ka da’aan uu aad u kooban yahay, dhulkeenuna  wuxu ku dheranyahay xeebta bada cas oo ah bad baaxad ahaan kooban, qaab dhismeedka dhulkuna wuu fooraraa oo marka laga yimaado dhulka jooga sare ee Ethiopia ilaa inta laga gaadhayo xeebaha bada cas mar kasta jooga dhulku wuu sii dhaadhacaa.

Sinaansho la’aanta dhulka Somaliland waxay sabab u noqotay in dhulka ay ka samaysmaan dooxyo ka soo bilaabma hawdka kuna dhamaana xeebaha oo biyaha ku dara bada cas.

Dooxyada Somaliland  dhamaantood waxay u biyo shubtaan jihawada waqooyi ee bada cas mana jiraan biyo xidheeno ay ku sii nastaan biyuhu oo iyaga oo awood badan ku socda ayay bada galaan.

Arimahan kala duwan ee aynu soo xusnay oo is barkan ayaa sabab u ah in dalkeena ay ka dhacaan abaaro soo noqnoqdaa.

Inaga oo wali ku jirna jawaabta Su’aashi inoo taalay ee ahayd abaarta maxaa sababa mase leedahay si loo daaweeyo ama looga hortagi karo waxyeeladeeda?

Jawaabta qaybta la baad ee su’aasha oo sheegasa Malaga hortagi karaa abaarta jawaabteedu waa haa waxna looga hortagi karaa ugu horeyn in nimcada Alle(swc) lagu faro adaygo oo aan caasiyiin la noqon ee Alle lagu xamdiyaa taasina waxay dabar u noqonaysaa in barwaaqadu sugnaato oo samadu irmaanaato.

Waxa kale oo muhiim ah in la fahmo qaab dhismeedka dhulka Somaliland isla markaana lagu saleeyo qorsheyaasha abaaraha ka hortaga abaaraha.

Si looga hortago abaarta talaabada ugu muhiimsan ee la qaadayaa waxay tahay in la sameeyo biyo joojin maadaama oo dalku leeyahay dooxooyin badan oo biyaha ku shuba badaha.

Waa in ugu yaraan dooxo kasta  sadex biyo-xidheen ama in ka badan laga sameeyaa si biyuhu dhulka ugu hakadaan,  waxana hubaal ah marka biyo-xidheenada la sameeyo in xaataa hadii uu biyo-xidheenku gudho goobta uu ka gudhay laga gaadhayo ceelal biyood maxaayeelay biyaha marka la fadhiisiiyo waxa soo dhawaada  biyaha dhulka hoostisa ku jira.

Waxa kale oo baaraha  lagaga hortagi karaa iyada oo dhirta la daayo,  waayo dhirtu waa shayga kaliya ee biyaha dhulka ku nasiya oo hadii ay  jiri lahaayeen kaymo waawayni waxa yaraan lahaa biyaha sida fudud dooxyada ugu shubma wayna nasan lahaayeen oo may heleen dhulka banaan ee aanu geed hakiyaa  ku oolin.

waxa kale oo abaaraha lagu maarayn karaa iyada la isticmaalo biyaha dhulka hoostiisa oo inta badan dalkeenu  hodan ku yahay waxana loo adeegsan karaa waraabka beeraha iyo warshadaha iyo cabitaanba.

In ay dowladu samayso qorshe rasmi ah oo lagu maaraynayo abaaraha halkii marka abaartu faraha ka baxdo ee ay dad iyo duunyoba saamayso qaylo dhaanta bari iyo galbeedba look ala diri lahaa.

Waa in wakhti roobabka si mugle looga faa’iidaystaa oo dad iyo duunyaba loo diyaariyaa raashin ku filan iyada oo beeraha dalag badan laga beerayo xoolahana kayd badan oo calaf ah loo diyaarinayo si looga gaashaanto abaar waxyeelo ku keenta bulshada.

CASHARADA AAN KA BARANAY ABAARTA SANADKA:

1.Abaartu waxay ina kala bartay nacabkeena iyo nasteexee:

Horaantii Abaarta dowladda Somaliland waxay dirtay qaylo dhaan ay gurmad ka doonayso guud ahaan bulshada Beesha caalamka gaal iyo Islaamba, laakiin jawaabtii ka soo baxday waxay cadayn u noqotay cida ina xigta ee ehelka inoo ah iyo cida shisheeyaha ah ee aan ehelka moodayno.

Dadkii Somaliland usoo gurmaday dhamaantood waxay ahaayeen muslimiin waxana ka mi ah Dowlada Sacuudiga, Dowlada Imaardka Dowlada Somaliya iyo Dowlad Deeganka Somaalida Ethiopia.

Inkasta oo muslimku dhamaantii walaalo yahay hadana sanadkan waxa soo baxay walaaleheen rumaad oo aynu isku qoomiiyad nahay dhaqan iyo dhiigna inaga dhexeeyo laakiin uu gumaystuhu ina kala fogeeyay, Somaaliya iyo Soomaalida Ethiopia, oo iyaga laftooda abaaro ka jiraan hadana waxay u damqadeen walaalohood Somaliland waxayna u fidiyeen gacan walaaltimo gargaarka ay awoodaanba ha iska yaraadee.

Hadii aanan qaldanayn Somaliland waxay fadhiisin u tahay boqolaal hay’adood oo sheegta in ay ka shaqeeyaan gargaarka iyo samafalka aadamaha oo ay ku  jiraan kuwa Qaramada midoobay  laakiin maanta waxa cadaatay in  shaqada ay dalka u joogaan aanay ahayn Samafal iyo gargaar ee ay u joogaan shaqooyin kale.

Dhagahaygu may maqal meel lagu sheegayo Hay’ad heblaayo ayaa gargaar u fidisay deegaan heblaayo oo ka mid ah dagaana abaaruhu saameeyeen, goor aanay abaaro jirin oo dalagii dalku soo go’ayna waxa aad in badan maqashaan Hay’ada heblaayo ayaa boqolaal tan oo raashin ah dalka keentay iyo tu kale oo  wada daawooyin aan dadkuba u baahnay.

Hay’adahan aan kor ku xusnay waxa aan ku jirin Hay’adaha khayriga ah ee muwaadiniintu leedahay ama kuwa laga maamulo wadamada islaamka oo   intii awoodooda ah ka qayb qaatay gurmadkii dadka loo fidinaayay iyo dhaankii laga sameeyay goobaha abaaruhu haleeleen.

  1. Aabartu waxay ina bartay in bulshadu wadajir wax u qabsan karto waxana tusaale u ah sida abaarta looga wada qayb qaadanayo iyada oo tabarucaadkii la ururiyay ay inta ugu badan ka timid dadka shacabka ah oo qof kastaa intii awoodiisa uu samafalka wax ka gaystay, midnimadaa la muujiyay ee ay abaartu ina bartay hadii la joogteeyo oo dad iyo dowladba la midoobo waxa la samayn karaa isbadal dhinaca horurka ah oo mudo dhowr lagu talaabsado.

3.Abaartu waxay ina bartay in hay’adaha qaramada midoobay iyo kuwa lamidkii aanay inoo dhex joogin danteena oo ay hagajiyaan ee ay inoola joogaan dano gaar ah oo ay inaga leeyihiin wax maslaxad ihina aanay bulshadeena ugu jirin.

 

Gabogabo

  1. Dawada abaartu waa alle ka cabsi iyo nimcada uu alle ina siiyay oo aan ku mahadino.
  2. Dawada abaartu is cafin iyo bulshada oo ka horumarta qoqobka iyo qabyaalada.
  3. Dawada aabaartu waa dhulka oo wax lagala soo baxo si looga maarmo gacmo shisheeye.
  4. Abaarta waxa lagu daawayn karaa in aan gaal dabasocod loo noqon taladiisana la hareer maro lana sameeyo qorshayaal shisheeye ka madax banaan oo dalka horumarkiisa horseed u noqon kara, waayo dowladaha reer galbeed markasta waxay doonayaan in aynaan gacantooda ka bixin oo aynaan gaadhin  isku filaansho aan kaga maarano, waxana tusaale inoogu filan abaartan dhacday iyo sida aanay wax gaargaara iyo hiilimaad ah inoogu muujin, taasina waxay cadayn u tahay in aanay habayaraatee nolosheena iyo horumarkeenu  aanu farxad galinayn oo ay ka jecelyihiin jabkeena, awood yaraanteena iyo kala qoqobnaateena.

 Email: Mx7lee@gmail.com. Telefoonka: 0634427831

 

 

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran