Allaylehe, Waa Lakala Soocmay – W/Q: Maxammuud Cali Geeldoon

Saddex iyo afar iyo shan toonna maaha. Degaan iyo 4.5-na, waa ii dameer iyo labadii daan oo aniga shaqadayda maaha. Labaase loo kala baxay. Labo!

Waxaa marar badan laynoo soo sawiraa magaalooyin Soomaaliyeed ooy ka muuqdaan daara dhaadheer oo qurxoon iyo ifayaal midabyale ood hebeenkii ku indha sarcaadeysid. Maalqabeennaa soo baxay malaayiin doolar jirjirka ula jiifsaday. Dhanka kalena waxaa jira malayiinta dhulkoodii ay ku xaydeen oo awow ka awow degganaayeen ka barakacay oo silic iyo saxariir intaa u taagan. Waxaa jira kuwa magaalooyinkii ay degganaayeen (sida Hargeysa, Boosaasoo, Muqdisho, iyo Kismaayo) inta goofafkii yaraa ooy buulashu uga dhisnaayeen lagala wareegey loo durkiyey duleeddada, halkaasoo ay habardugaagga isweheshadaan. Waxaa jira kuwa qarniyo quudhsi iyo takoor lagu hayey welina aan lagala hadhin. Waxaa jira kuwa dhulkay luqmadda kala soo bixijireen laga xoogey, kuwa dhirtii deegaankoodu ku dhisnaa laga gubey, kuwa badahay ku noolaayeen shisheeye loo kaday, iyo kuwa muruqooda iyo dhididkooda la maalo oo laga hodmo carruurtooduna ay macaluul ku noolyihiin. Billeen iyana derbijiifka sida eyda u nool? Bal kuwaana maxaad ka oran?
Dhulka cusbataallaa ka jira, oo dugsiyaa ka jira, oo jaamacadaa ka jira, tayadoodu intay doontoba ha le’ekaatee. Intubase waa lacag! Danyar adeeg caafimaad iyo mid waxbarasha toonna wax kuma laha. Biyuhu duleeddada magaalooyinka ma gaadhaan, hadday gaadhaanna waa lacag. Miyiga iyo tuulooyinka iyaga hadlakooda daa! Waa duni aad mooddo inaanay is ogeyn oo noloshii lagu kala tegey. Koox daacaddaa ku badan, kooxna daallinkaa ku badan. Waa danyar iyo danaysato. Waa ba’ iyo badhaadhe is barbaryaal. Bal labadaa duul maxay wadaagaan?
Lama dafiri karo in markuu burburka dawladeed dalka ku habsadey ay rag iyo haween dhulka ku hadhay oon kacararini hawlo laxaadle ka qabteen adeegyada bulshadu u baahantahy sida: waxabarashada, caafimaadka, biyaha, korontada, iyo hawla kaloo badan. Waxayse hadda dhibi ka taagantahay siday adeegyadu u noqon lahaayeen kuwa lawadaago si uu shacabku ugu sinnaado ugana wada haqabbeelo. Waana xaaladda keentay inay dadku u kala qaybsamaan kuwa ladan oo adeegya hela iyo kuwa ka oodan. Kaaga darane, waxaa taa wehiliya kuwa kas iyo maan si xaaraan ah, oo dhul, bad, dad, iyo duunyaba u daran, ku taajira iyo kuwa meheradohoodu u egyihiin xalaal aanse bixin cashuurta ay tahay inay baxashaan, dawlad la’aantana dani ugu jirto.
Hadda bal qabso: danyar xoolahay dhaqdaa, oo beerahay fashaa, oo badahay manaafacsataa, oo daarahay dhistaa, oo biyahay dhaamisaa, oo xirfadley oo dhammi waa iyada; danaystuhuna danyarta xooggeeduu ku noolyahay. Danyar dhirta, iyo daaqa, iyo ciidda, iyo badaha, iyo deegaankoo idil bay heshiis iyo jaal la tahay; danaystena intaba waw cadow, oo dab iyo xaaluf buu geshaa, oo lacag buu dhaafsadaa. Danyar colaadahay ku baaba’daa, oo carrurteeda lagu hurshaa; danayste, haddaan wuxuu rabo la falin, ciidamow iyo tolla’ayeey buu ku awaawiyaa, markaasuu haddana carruutiisa dabkuu shiday kala baxaa oo ka badbaadiyaa. Danayar waxay ku gubataa dab danayste shiday!
Maammullada dalka ka jiraa labada dabaqadood, tan ladan iyo tan diifaysan, uma sinna. Waa maammulla danaysatada xulufo la ah, kas iyo ku-dhicid-la’aan midday doontoba ha ku timaaddee. Siyaasad-ka-macaashe iyo kuwa dawlad-la’aanta ku hodmay waysku dan, wayna wada shaqaystaan. Maxay ku dhacday inay danyar dhacdo daryeel la’aan? Dalka lacag badan baa soo gasha kana muuqata. Mucaawinooyin badanna waa la helaa. Miyaan la soo gaadhin xilligii danyar mudnaantay leedahay helilahayd?
Danyar awood male, daryeel male, tixgelin male, waxaadna mooddaa in la jecelyahay inay qarsoomaan. Danyar yaa qareen u ah?
Masa’aladdani maaha mid burburka dawladeed oo keliyi uu sabab u yahay. Waxay xididdada ku haysaa aragtida ku dhisan suuqa xorta ah oo xadhig xidhaa uu yaryahay. Waa aragtida ay dawladda Maraykanku hormuud iyo cududba u tahay adduunkana ku baahisaa iyadoo adeegsaneysa awooddeeda dhaqaale, jaamacadeheeda dhaqaalaha lagu barto, iyo hay’adaha IMF (International Monetary Fund) iyo Bangiga Adduunka (World Bank), kuwaas oo loo yaqaan Bretton Woods Institutions, xaruntooduna tahay Washington DC. Aragtidaas waxaa xuddun iyo halbowle u ah taranta hantida (wealth growth) iyadoo aan la eegayn siday tarantaasi dadka u wada gaadho ama u saamayso, dhab iyo dhalanteed miday tahay, dhibta ka dhalan karta hadday rumoobi weydo, iyo waxyeellada ay deegaanka iyo cimilada u yeelan karto. Kalasarraynta baaxadda weynee aragtidaa ka dhalata waxaa loo arkaa wax lama huraan ah oon la baajin karin, dadweynaha saboolnimadu diifaysona looma arko dad xaq bulsheed (social right) ka maqan yahay ee waxaa loo arkaa dad uun baahi qaba ayna tahay in baahidooda la yarayo (poverty reduction). Waa aragtida keentay in Maraykan oo adduunka ugu hodonsan ay, Madaxweyne Obama hortii, malaayiin danyar ahi la’aayeen caymis caafimaad (medical insurance), sidaa darteedna daryeel caafimadoo wax-ku-ool ahi uu ka dheeraa.
Waa run inuu nidaamka dhaqaale ee aragtida suuqa xorta ah ku salaysni uu hantida tarmiyo, waxayse hantidaase noqotaa mid dad aad u yar u gacan gasha. Waana aragtidaa tay maanta maalqabeennada, aqoonyahanka, iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed say u badnayihiin duudduubka ku qaateen ooy ku shaqeeyaan, waddammada Reer Galbeedkuna gargaarka ku bixiyaan, dawlad-dhiska Soomaaliyeedna ku salaysan yahay. Waxaase jirta aragti taa ka duwan.
Aragtida taa ka duwani waxay qabtaa in loo baahanyahay nidaam dhaqaale oo cadaalad ku dhisan. Ruuxa muruqiisa, dhulka, biyaha, iyo lacagta toonni waa inaanay noqon badeecado suuqa lagu kala iibsado oo qiimohoodu baxaa-dego. Iyadoo ay hantida iyo macaashka gaarka ahi bannaan yihiin, haddana suuqu waa inuu ahaadaa mid xakamaysan si aanu xadhkaha u goosan, danyartana aan loogu tuman, dhulka iyo baddana aan lagu waxyeellayn damac awgiis. Waana in hantida si cadaalaad ah loo qaybiyaa iyadoo la adeegsanayo cashuur wax-ku-ool ah oo lagu fulin karo adeegyada bulsho, danyartana si taabbagal ah loo gaadhsiin karo, sida waxbarashada, daryeelka caafimaadka, dadkoo lawada gaadhsiiyo biya nadiifa, iyo guriyeyn danyartu awoodi karto. Dhammaanna waxqabadyadaasi maaha kuwa lagu dabaoolayo baahi keliya ee waa waxay xaq u leeyihiin dadka saboolka ahi. Ujeeddada u weyn ee aragtidaase waa in aanay kala-sed-roonaantu dhaxaltooya abid socota noqon, carruurta dhalataana u wada hesho daryeel asaasi ah oo u diyaariya nolosha iyo hawleheeda.
Si ay kuugu kala baxaan labadaa aragtiyood, fadlan isu eeg, oo isbarbar dhig, Maraykan iyo dalalka loo yaqaan Scandinavian Countries, sida Sweden, Denmark, iyo Norway. Waxaad iyana u fiirsan kartaa dalal badan oo ku yaalla Ameerikada Konfureed (South America).
Way ii muuqataa inay tamarta maammullada Soomaaliyeed yartahay. Iyadoose aan taa xisaabta ku darayo ayaan haddana ku doodayaa inaanu jirin istiil iyo qorshe si wax-ku-ool ah loogu daryeelayo danyarta Soomaaliyeed meelay joogtoba. Marka maxaa innala gudboon?
Nimaan Hadlin Hooyadiina Qadisay!
Xaqu maaha wax la baryo ama laysugu deeqo, laysmana amaahiyo. Xaqu waa hiba Eebbe, ciddii iskaga kaa gudubtana waa laga maroorsadaa. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan danyarta Soomaaliyeed sida beera-falatada, reer guuraaga, xirfadleyda, kalluumaysatada, shaqaalaha muruqmaalka ah noocay yihiinba, qaybaha bulshada ee la takooro, bara-kacayaasha meeshay tagaanba laga sheegto, iyo haweenka ku keliyeysta korinta carruurtoodu inay fiira gaara u yeeshaan oo wax ka bartaan waaya-aragnimada dhiggooda ku nool adduunweynaha dacalladiisa, adeegsadaanna tabaha laga bartay ee ay ku caana-maaleen, kuwaasoo ay ka midyihiin:
1) Baraarug siyaasadeed iyo u-dhug-yeelasho xuquuqdooda;
2) Abaabul, abaabul, abaabul, ay koox kasti goonnideed isu abaabuleyso, xuquuqdeedana ku raadsanayso;
3) Ka-hoosbixid iyo ka-madax-bannaanaan qabiilka lagu beerlaxawsado ooy ku dulmanyihiin;
4) Barashada iyo ku dhaqamidda tabaha loo soo bandhigo dacwadaha iyo garaha xaqa ku dhisan, siyaabaha loo kasbado taageerada shacabweynaha Soomaaliyeed iyo Caalamkaba, iyo sida loo cadaadiyo maammullada;
5) Is-gaashaan-buursi dhexmara ururradooda si ay u yeeshaan cudud iyo miisaan siyaasadeed, codkooda iyo taageeradoodana ay u siiyaan ciddii dantooda ka shaqaysa;
Tallaabooyinkani waa kuwa aan hawl yarayn oo u baahan aqoon sare, bisayl siyaasadeed, geesinnimo, iyo daacadnimo aad u weyn. Waana kuwa danyarta keligood aanay ku fillayn. Sidaa darteedna waxaan indheer-garadka Soomaaliyeed ee hore-u-socodka ah ku boorrinyaa inay gacan weyn ka geystaan abaabulka danyarta Soomaaliyeed. Hana la ogaado:
Danta danyartu waa dan qaran, awoodeyntooduna waa muftaaxa xalka!
W/Q: Maxammuud Cali Geeldoon
Senior Medical Physicist
USA
Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE