Fariin ku socota wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon – WQ: Sultan Abdikariim Farah (DULMI DIID)

Dulmi Diidoow Dulmi Doon Ha Noqon…………………….… Fariin ku socota wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon
Sidaynu la soconaba waxuu wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon baahinayey baryahanba maqaalo uu ugu magac daray Somaliland waxay tidhaahdaa  Somalida konfureed waa cadow geena Ethiopia na waa walaalaheen arintaas oo aad loogu qaadaa dhigayo baraha social media yaha dad badan oo somaali ahina sidaas u rumaysteen………………..……..

waxaan hadaba rabaa inaan umada SOMALIYEED u cadeeyo in ay arintaasi tahay arin aan sal iyo raad toona lahayn oo xaqiiqadana ka fog waligeed taariikhda lama hayo intii Somaliland ay jirtey meel ay xukuumad somaliland taladeeda haysaa ay si Ku talo gal ah warbaahinta uga sheegtay waxaanu necebnahay somaaliya Ethiopia na waanu jecel nahay…………………….………..

Waxaase jira dad caadifiyiin ah oo shakhsiyaad ah oo  iyagu Si shakhsinimo ah ugu hadlay hadalo cadiifadeysan kuwaasina maaha qaar ku matala hadaladooda cadiifadeysan shacbiga reer Somaliland ama shacbiga reer Soomaaliya………………..……..

Waxaa kalooynu ognahay inuu jiro khilaaf siyaasadeed oo udhaxeeya dadka Soomaaliyeed laakiin aan Ku salaysneyn colaad nacayb iyo nac gaar ah Waxaana suurto gal ah khikaafkaa  udhaxeeya dadka Soomaalida   in uu sababo hadalo taag taagan oo warbaahinta laysku mariyo……………………………..

11

Kalmada walaalahayaga Ethiopia waxaan rabaa in aan u sheego wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon waxa jirta luuqad dublumaasiyadeed oo dunidu ku wada hadasho Waxaana ka mid ah in wadamada xidhiidhka wanaagsani ka dhaxeeyo in ay Isugu yeedhaan wadan hebel saaxiib baanu nahay wadan hebel walaalo ayaanu nahay IWM………………………………..

ETHIOPIA
waa wadan jaar la ah Somaliland Waxaana ka dhaxeeya xidhiidh ganacsi mid arimaha nabad galyada ah iyo mid dhinaca siyaasada ah taasina waa sababta keentey in labada wadan midba midka kale ugu yeedho wadan hebel walaalo ayaanu nahay ama wadan hebel saaxiib baanu nahay waxaan sidoo kale wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon xasuusin lahaa in ay wadanka Ethiopia ay Ku nool yihiin in ka badan Shan milyan oo ruux oo Somali ah……………………….……….

TALO SOO JEEDIN
waxaan wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon uga nasteexaynayaa in uu kala dhex dhigo cuqdi iyo colaad labada shacbi ee reer Somaliland iyo reer somaaliya waxaan sidoo kale markale dhihi lahaa wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon fadlan kadaa hafarka iyo eeda aanay lahayn ee aad dusha uga tuureyso shacbiga reer SOMALILAND………………..….

Ugu dambayn waxaan ugu hambalyeynayaa wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon arinkii markii ugu horeysay aan Ku bartey ee ahaa caawinta dadka danyarta ah ee Soomaaliyeed……………………

Waxaan kaloo rabaa in aan cadeeyo in aanu isku aragti ka nahay in aan somaliland iyo soomaaliya midna order ama talo aanay ka qaadan wadamada dariska ah iyo mid fog toona sidii wadan aan xor ahayn oo kale waxaanan leeyahay darisnimaduna waa meesheeda taladana inagaa iskaleh…………………...

WAA TILMAAMIHII TALADII IYO TOOSINTII SHACABKA EE……………………….…………..

G……Ururka C&SS
Ahna Qoraha barnaamijka Qalinka Nabada Soomaaliyeed……………………

Sultan Abdikariim Farah (DULMI DIID)

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran