Su’aalaha Xaqa Loogu Leeyahay Siyaasiinta Xilka MADAXWAYNE Ugu Kala Sharaxan Xisbiyada Somaliland

waxan aaminsanahay inuu xaq u leeyahay waydiinta Su,aalahan mawaadinka wax dooranaya wakhatiga doorashada ka hor si uu u ogaado musharaxa u qalma hogaaminta dalka waxanay raacida dariiqan Lagu kala ogaanayaa hoomiyaha dhabta ah meesha ka saari kartaa mawaadinka wax ku dooranaya dareenka reereysan waxanay caqabad ku noqon kartaa musharaxa kartida yar Ee kaliya Waa Reer hebel dalkan madaxweyne kaga noqon lahaa……………………..

Hadaba Waa kuwee Su,aalaha waajibka inagu ah in aynu waydiino musharax kaste  xaqna  mawaadiinkastaa ugu leeyahay………………….………..

(1)::::: gaadhsiita dalka oo dhan maamuulka iyo ka hirgalinta hanaanka dowladnimo Dariiqee ayaad u maraysaa

(2):: adkaynta nabad galyada  xoojinta awooda ciidamada qaranka  Iyo ilaalinta qaranimada Somaliland maxaa kaaga qorshaysan

(3)::: kobacinta dhaqaalaha wadanka iyo shaqo abuurka  muwaadinka bilaa camalkaa maxaa kaaga qorshaysan

(4)::: kobacinta tayada waxbarashada Iyo gadhsiinta qof kaste oo muwaadin ah gaar ahaan caruurta iyo  da,ayarta adeeg waxbarasho oo saamaxa fursad aqooneed maxa kaga qorshaysan

(5):::: xakamaynta aafada qabyaalada iyo dhaqanka xun ee hayb-sooca maxa kaaga qorshaysan

(6)::::::Wadaaga hanaanka dowladnimo Ee  umadda Reer Somaliland oo dhan maxaa kaaga qorshaysan

(7):::::Xakamaynta dhibaatada ay kala kulmaan bulshada.  walalaha mawaadiniinta ah Ee Gabooye taageerada iyo gacan qabashada ay dowlada uga baahanyihiin maxaa kaaga qorshaysan

(8)::::Raadinta citiraafka iyo hirgalinta madax banaanida Somaliland maxaa kaaga qorshaysan

(9):::::Wada hadalka Somaliland iyo Somalia maxaa kaaga qorshaysan

(10):::::Arimaha caafimaadka.
Helida adeeg caafimaad iyo daawooyin tayo leh gaadhsiinta dalka oo dhan maxaa kaaga qorshaysan………………..………

Waxan filyaa Kuwaan ayaa ugu muhiimsan
Su,aalaha qof kaste oo muwaadin ahi inuu waydiyo musharaxa codka ka doonaya Waa Kuwaan anigu waydiin lahaa………..

waxan isleeyahay waa kuway waydiin laahayeen haday wali
Noolyihiin halgamayaashii naftooda u sadqeeyey qaranimada Somaliland Tusaale haldoorkoodi………………

•Aadan shiine
•Aadan Saleeban
•Maxamed xaashi lixle
•Maxamed Cali
•Gacmodheero
•Maxamed Mooge
iyo qaar kale oo badan

Waa kuwii halganka dhexdiisa ku geeriyoodaye

FIIRO GAAR AH……………….
waxaan kula talin lahaa muwaadiniinta reer Somaliland iney codkooda siiyaan musharaxa qorsheyaal wax Ku ool ah oo uu ka leeyahay arimahan muhiinka ah usoo ban dhiga kana fogaadaan in ay  cid Ku doortaan waa reer hebel iyo waxkastoo ka hooseeya danta guud ee qaranka……….

•fadlan u gudbi qofkaste oo somalilander ah iyo warbaahinta Somaliland oo dhan
…………………………………….
WAA TILMAAMIHII TALADII IYO TOOSINTII SHACABKA EE….

G……Ururka C&S..SIME
Ahna Qoraha barnaamijka qalinka nabada Soomaaliyeed…………………….

Sultan Abdikariim Farah (DULMI

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE