DULMI DIIDOOW DULMI DOON HA NOQON W/Q Suldaan C/kariin Faarax Dulmi-Diid

Sidaan la soconaba waxaa shir lagu qabtay sanadii (2012) magaalada taariikhigaa Ee TALEEX waxaan ahaa dadkii aaminsanaa xiligii shirka lagu gudda jiray inay ka soo baxdo talo dhaxal gal ah oo meel u jahaysa siyaasada deegaanka oo xalad adagi ka jirtay dhinaca nabad galyada iyo siyaasada sikastaba ha ahaate waxa soo baxay go,aankii ahaa maamuul loogu magac daray KHAATUMO STATE OF SOMALIA oo ka kooban gobalada SOOL,SANAAG IYO DEGMADA BUUHOODLE.

Hadba maxuu ahaa dareenka dhaliyey inla dhiso maamulkan cusub……….?

Waxuu ahaa saluug siyaasadeed oo ku aadan  PUNTLAND iyo SOMALILAND……..

Maxay tabanayeen dadka deegaankaas Ee maamuulka cusub yagleelay……….?

(1):::::DHINACA PUNTLAND
Inaan maamulkay wax ka dhiseen loo sinayn arimaha kala ah  horumarka qaybihiisa kala duwan  siyaasada ilaalinta nabad galyada iyo difaaca deegaanka……………………..

(2):::::::::::DHINACA SOMALILAND

Waxay aaminsanayeen in  Somaliland doonayso inay Somalia ka go,odo iyana Wali rabaan midnimada Somalia sidaa daraadeed aanay uga mid noqon Karin Somaliland………………..……

Maxaa Hadaba Go,aan Noqday Dulmi DIID iyo Cadaalad Doon Dabadeed…….…..?

In maamuul u gaar ah beesha dhulbahante la sameeyo magaciisuna yahay KHatumo STATE OF  SOMALIA kana kooban gobalada SOOL, SANAAG iyo Dagmada BUUHOODLE………..

HALKAA ARINKU MARKUU MARAYO MAXAA QALDAN………..?

(1):::waxa qaldan TALEEX waxa ku Shiray dad Soomaaliyeed oo diidan Dulmi oo cadaalad doonaya, laakiin go,aankii koobaad Ee ay qateen ayaa ah Dulmi kii u Waynaa……………….

OO MUXUU YAHAY DULMIGU…………………..…….?

SOOL Waa Gobal ay daganyihiin dad badan oo Soomaaliyeed oo Aan ahayn beesha kor ku xusan  qaybna aan ka ahayn talada  maamulka TALEEX lagusoo dhisay……………………………

SANAAG Waa Gobol Aad u balaadhan waxaa isna sidoo kale Dagan Somali fara badan oo aan iyana qayb ka ahayn talada maamulka TALEEX lagu soo dhisay…………………..

Dagamada Buuhoodle Waa Dagmo ka tirsan Gobalka Togdheer waxaana hoos yimaada deegaano faro badan iyana waxa Dagan Somali kale oo Aan qayb ka ahayn talada maamulka TALEEX lagu soo dhisay…………………………..

MAXAA HALKAA KAAGA CAD………………………..?
Waxa halkaad kaaga cad In dadka Somaliyeed ee TALEEX ku shiray ay dulmiyeen dad kale oo Soomaaliyeed sheegteena gobaladii oo dhan iyaga oo Aan dadkii daganaa la wada socon……….

HADA MAXAA CUSUB AYAAMAHAN………...?

Waxaa jira in mar kale taladu qaloocan rabto Waayo waxan maqlayaa waxa hadana maamuul cusub dhisaya labo Reer oo kala ah WARSANGALI iyo DHULBAHANTE   Waxana mar kale lagu talo jiraa in la dhiso maamuul labadii gobal iyo dagmdii ka kooban hadana wax marka dhisaya Waa labo Reer uun, hadaba Anigu Su,aal ayaan qabaa waxan leeyahay ma waxaa la dhisayaa maamuul dadka wax tar u leh oo baahidooda kafaala qada Mise dab ayaa lagu shidayaa ileen dadka kale yeeli maayaan maamuul anay qayb ka ahay  taladiisee………………..……….

Anigu waxan leeyahay yaan mar kale arinku noqon dhaankii reerka biyaha u doone dhexda ku buubay ka dibna biyihii wada daadiyey……..

FIIRO GAAR AH

marka aan leeyahay maamulkii  TALEEX lagu dhisay beel ayaa dhistey iyo maamulka cusub ee aan sheegay in laba reer dhisayaanba taa macnaheedu maaha arin  reerahaas oo dhami u dhanyihiin laakiin waxaa jira dad taageersan PUNTLAND kuna haysta xilal gaadhsiisan ilaa heer madaxwayne Ku xigeen iyo Gudoomiye baarlamaan………………..……

Sidoo kale dhinaca Somaliland waxaa jira iyana dad taageersan oo ka mid ah qaybaha Dowlada oo dhan sida xukuumada Barlamaanka guurtida iyo ciidamada….

TALO SOO JEEDIN

waxaan marka hore Aamin sanahay xoriyada sida in lawada hadli karo oo umaddu kawada shiri karto danaheeda waxaan sidoo kale Aamin sanahay in maamul la dhisi karo hadii uu waafaqsan yahay shuruucda caalamigaa iyo tan Gobolkaba waxaanse Ku talin lahaa in wixii khilaaf hor leh keeni kara laga digtoonaado ka hada jirana laga wada hadlo sidii looga heshiin lahaa
Waxaan aaminsanahay in dadka Somalida oo dhan intii soo martey ayaa dhibaato  ugu filan tahay, mid horlehna aan loo baahnayn, waxaan kasoo hor jeedaa Gacan ka hadal iyo adeegsi awood ciidan ugu dambayn Umadda Soomaaliyeed oo dhan waxaan ugu baqayaa nabad galyo Cadaalad iyo Sinaan..
WAA TILMAAMIHII TALADII IYO TOOSINTII SHACABKA EE…..

Sultan Abdikariim Farah (DULMI DIID)

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran