Baaq Nabadeed Dagaalka Dagmada DACDHEER – By: Suldaan Cabdikariin Farax (Dulmi Diid)

Bismillahi raxmani raxiim ASC

Nabad baa naas la nuugo leh, Ciidamada liyuu bolis ka ee dawlad Deegaanka Somalida Ethiopia (DDSI)
iyo dadka shacabkaa ee dagaalku Ku dhexmarayo degmada DACDHEER labadaba anigu waxaan u arkaa dad walaala ah oo Soomaaliyeed  isku dhaqan iyo isku diina ah……………………….……………

Waxaana idhibaya khasaaraha soo gaadha labada dhinac naf iyo maalba si isku mid ah……………………….………

Waxaan hadaba Ku baaqayaa in Si dagdag ah loo joojiyo dagaalka Laguna xaliyo wada hadal  iyo is afgarad khilaafkii keeney dagaalka………………….…….

Waxaan cod dheer Ku xasuusinayaa madaxwaynaha dowlad Deegaanka Somalida Ethiopia (DDSI) Mudane Cabdi Maxamuud Cumar in uu yahay madaxwaynaha qoomiyada Somalida ee bariga ETHIOPIA………………….…….

Waxaan hadaba iyadoo taa laga duulayo leeyahay Mudane madaxwayne isku si Isugu wad dadka somaaliyeed ee dagan dowlad Deegaanka Somalida Ethiopia cidnabana ha u adeegsan Ciidan iyo qori caaradii inta aad caqliga iyo wada hadal aad wax Ku xalin karto…………………….……..

Waa muhiim ilaalinta Amniga iyo kala danbayntu waxaase qayb libaaxle ka qaadan kara nabad galyada isu soo jiidka dadka iyo ilaalinta xuquuqda dhamaan dadka somaliyeed ee dagan Dowlada Deegaanka Somalida Ethiopia (DDSI)………………………….

Waxaan talo kusoo jeedin lahaa in aanay cidina ka qayb qaadan hurinta colaadaas ama hanoqoto gudaha somaliya ama ha noqoto gudaha Ethiopia waxaan taa badalkeeda Ku talin lahaa   in aynu dhamanteenba ka shaqayno sidii loo heli lahaa xasi looni iyo nabad galyo…………………….……..

#Nabadbaa naasla nuugo leh
#Dagaal wiilbaa Ku dhintee wiil kuma dhasho
#Dagaal xalmaaha
#dirir iyo colaadi daganansho umadeed ma keenaan
#dadku kuma horumaro marnaba dirir colaadeed…………………….

WAA TILMAAMIHII TALADII IYO TOOSINTII SHACABKA EE………………………...

Gudoomiyaha Ururka Cadaalada iyo Sinaanta Soomaaliyeed ee SIME
Ahna Qoraha barnaamijka Qalinka Nabada Soomaaliyeed………………

Sultan Abdikariim Farah (Dulmi DIID)

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran