Wariye Si Weyn Barnaamjiyadeeda Looga Daawan Jirey Tv-ga HC Ayaa Ku Dhawaaqday In Ay Isaga Baxday Mihnada Saxaafada

Wariye Nimco Samriye oo ka mid aheyd Wariyeyaasha ka howlgala xarunta dhexe ee Tv-ga HCTV ayaa qo

raal ay soo dhigtay barteeda ay ku leedahay facebka ku sheegtay in ay ka fariisatay shaqada ama Mihnada saxaafada oo in muda ah ay kusoo dhex jirtay.

Gabadhan wariyaha aheyd ayaa lagu xusuusan doonaa kaalintii ay ku lehd in ay soo baxaan Fanaaniin badan oo ay ugu horeeyaan Fanaaniinta Xidigaha Geeska, waxaana magaalada Hargeysa ay ka shiday dhanka fanka.

Hoos ka aqriso qraalka facebooka ay soo dhigtay.

Waan Jeclahay Farxada, Qosolka iyo Madadaalada. waana Sababta aan ku Doortay Barnaamijyadii aan Mudaba idiin soo Gudbinayay ee Fanka, Suugaanta iyo Salaamaha.

Sidoo kale Nolosha Qoyska, Xaasnimada iyo Inaad Hooyo Noqotaa waa Farxad iyo Badhaadhe aan wax loo dhigaa jirin Hadiiba Alle kugu simo oo aad Nolosha ku kulantaan Qofkii ugu Haboonaa.Hadaad Rabto inaad Noqoto Hooyo Run ah Waxay kaa rabtaa Wakhti badan inaad galiso Sababtoo ah waa Masuuliyad u baahan Xil Gudasho Dhab ah.

Hadaba si aan Gaar ugu Noqdo Badweyntaa Macaan iyo Daawashada Mawjadahaas Quruxda Badan Waxa aan Go’aansaday inaan Gabi ahaanba Joojiyo Shaqadii Saxaafada ee aan kusoo jiray iyo la Shaqaynta Bahdii aan jeclaa ee HCTV.

Waan u Mahad celinayaa Dhamaantood Anigoon Qof Qof u xusi karin Qadarintii,Ixtiraamkii iyo Wanaagii badnaa ee ay i siiyeen Mudadii aan ka midka ahaa. wax walba oo la Bilaabaana waxay leeyihiin Meel ay ku Dhamaadaan.

Sidoo kale waxaan Salaan iyo Mahad naq Balaadhan u dirayaa Bulshadii igu Xidhnayd ina Xiisayn jirtay intaan Hawshaa kusoo jiray.

Ugu Danbayn aadbaan u Jeclahay Shaqada aan imika hayo oo ah taan Waligayba ku Riyoon jiray, waana Raali galinta Saygayga iyo Kool-Koolinta iyo Tarbiyada Inantayda Princess NOORA iyo Kuwa kale ee Alle na siiyo.Waad ku Mahadsantihiin Wakhtiga aad Qoraalkayga ku Akhrisateen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE