Deg Deg Ciidamada Amisom oo Gudaha U Galay Degmada Janaale

War hada nasoo gaaray ayaa sheegaya in Ciidamada Amisom ay u gaduha u galeen Degmada Janaale ee Gobolka Shabeelada hoose.

Ciidamadan oo ay wehliyaan tiro maleeshiya ah oo kasoo raacay deegaanka Danow ayaa la wareegay gacan ku heynta Janaale, waxana hada ay saldhigteen xarumaha Maamulka iyo saldhiga degmada.

Dagaalyahaanada shabaab ayaa aroornimadii saake isaga baxay degmadan markii ay ka war heleen hujuumka kasoo fuulay Ciidamada Amisom, waxaana lagu soo waramayaa dagaal la’aan in ay kula wareegeen Amisom iyo maleeshiyada la socota.

Gudoomiyaha degmada Janaale C/raxmaan Yuusuf C/nuur (Al-cadaala) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in si buuxda ay ula wareegeen gacanta ku heynta degmada oo uu sheegay in bilooyinkii lasoo dhaafay ay iska heysteen siduu hadalka u dhigay kooxda Shabaab. Dhanka kale dadka ayuu ugu baaqay in ay degenaan muujiyaan islamarkaana ay ka faa’ideystaan Wabiga shabeele oo biya keenay si ay u tacbadaan.

Amisom ayaa marar badan la wareegtay gacan ku heynta Janaale hase ahaatee saacadooyin ka dib ayey dib isaga soo baxayeen saldhigyada au ka qabsadaaan halkaasi, amisom ayaa laga yaabaa in ay isag soo baxaan fariisimayaasha ay hada ku suganyihiin .

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran