Daawo Waxgaradka Beesha Biimaal “Ibraahim Najax Beenaale Waaye, Anaga Iyo Habar Gidir Aakhiro Xita Maku Heshiineyno”

Ka dib Been abuur warbaahinta uu kasii daayey Ninka sheegta Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeelada hoose ee u adeega Mooryanata habar gidir ayaa arinkaasi waxa si kulul uga hadlay waxgaradka iyo Odayasha dhaqanka ee Besha Biimaal kuwaas oo shir ja’raaid ku qabtay Magaalada Marka.

Odayaashan ayaa si kulul u weeraray been abuurashada Ibraahim Najax ee uu ku sheegay in heshiis la dhax dhigay Beesha Biimaal iyo Mooryaanta dhul boobka ah, waxaana ay ku tilmaameen mid uu ugu daneenayey kuwa soo wakiishay.

Nabadoon Cabdow Laam-yeeri ayaa yiri “Cunuga Gudoomiyaha Gobolka isku sheegaayo waxa uu sheegayo waa been, anaga iyo habar gidir inaan is dilno heshiis ayaan ku nahay, inaan is gubno heshiis ayaan ku nahay, ninkii ciyaal yar yar oo agoon ah dilay gubay, hadana caalamka loo sheego waan heshiisiinay, war intee lagu arkay isaga isbaaraa u taala anigana hadii aan tago waa leygu dilaa”

Nabadoon Khamiisow ayaa yiri “hadii Ibraahim Najax uu u maleeyey ilmahooda ayaa la gubay waa ku jilcaayaan ha ogaado heshiis ma jiro, sedax gobol wax la yiraah ma jiro wax indha laheyn, lugo lahyen meel ay ka taliso ma jirto”.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran