Ciidamado Taabacsan Maamulka Puntland Oo La Wareegay Xarunta Maamulka Khaatumo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer ayaa sheegaya in halkaas ay isaga baxeen Maamulka Khaatumo ee uu hogaamiyo Cali Khaliif Galleyr.

Wararka ayaaa intaa kudaraya in Ciidamo ka amar qaata Maamulka Puntlnd ay ku baxeen Buuhoodle oo uu ku sugnaa Madaxweyne Galley iyo xubno ka tirsan Maamulkiisa, waxaana la sheegayaa in ay halkaas isaga baxeen.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Puntland ayaa ku goodiyey in ay gacmaha ka laaban doonin dagaal ay kusoo qaadaan Ciidamada Maamulka halkaas laga saaray, saraakiisha ayaa hada sheegay in ay ku suganyihiin xarumaha Magaalada iyo daafaheeda.

Lama oga halka uu ku baxay Madaxweyne Galleyr iyo maamulkiisa oo laga saaray Buuhoodle, waxaana weli wax war ah aan kasoo bixin Maamulada Puntland iyo Khaatumo ee ku saabsan qabsashada magaaladii uu ku sugnaa Cali Khaliif Galleyr.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran