Dagaalyahaano Aad U Hubeysan Oo Maanta Soo Buux Dhaafiyey Deegaano Ka Tirsan Janaale

Dagaalyahaanada xarakada Shabaab ayaa Ciidan badan soo dhigay deegaanada ku xeeran Degmada Janaale ee Gobolka Shabeelada hoose. Ciidamadan oo ku hubeysan qoryaha lidka diyaaradaha, boobayaasha iyo quryaha fudfudud ayaa saake lagu arkayaa deegaano kala duwan oo ka tirsan Jnaale sida Mushaani, Waa-gaadi iyo kuwo kale.

Mala oga ujeedada ka dambeysa in Ciidamadan oo lgu sheegayo kuwa jabhadaha in ay soo bux dhaafiyaan deegaanadan oo shalay ay ku sugnaayeen Ciidamada Amisom iyo Maleeshiyaad dowladav ka tirsan.

War aan la xaqiijin karin oo ay kusoo waramayaan dadka deegaanka ayaa sheegaya in laga cabsi qabo in ay weeraran deegaanada Buufow ama Danow oo fariisimiyaal ay ku leeyihiin Ciidamada Amisom ee shalay duulaanka ku qaaday Janaale.

Sidoo kale war kale ayaaa sheegaya in Shabaab xalay ilaa saake ay howlgal ka wadaan gudaha Degmada Janaale oo ay kusoo laabteen shalay maqrib ka diab markii ay dib isaga baxeen Amisom iyo Maleeshiyada kale ee shalay gelinkii hore qabsaday.

Dadka deegaanka ayaa kusoo waramaya in Ciidamada Shabaab ee kusoo noqday Janaale ay ahaayeen kuwo aad u hubeysan islamarkaan feejigan, waxaana xalay fiidkii dadka ay ku amrayeen in ay ku xaroodaan guryahooda.

Ciidamada Amisom ayaa marar badan la wareegay gacan ku heynta Degmada Janaale ee Gobolka Shabeelada hoose, waxaana ay dib isaga soo baxayeen saacado ka dib markii ay qabsadaan, waxaana taasi ay keeneytaa in Shabaab ay dib ugu soo noqdaan saldhigyadooda.

Saldhiga Ciidamada Amisom ay ku lahaayeen duleedka Janaale ayaa dhamaadkii sanadii hore waxa weerar ku qaaday dagaalyahaano Shabaab oo hubeysan, waxaana halkaas looga dilay Amisom siday sheegeen Shabaabku ku dhawaad 50 askari.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran