Dhageyso Maamulka Magaalada Marka “Ciidamada Uu Wato Cabdullaahi Cagey Ayaa Dab Qabadsiiyey Garaashka Suldaanad Maana Xaajow”

Xoghayaha dowladda Hoose ee degmada Marka Maxamuud Cismaan Beyle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in magaalada Marka ay ka degi la’dahay ciidamo uu wato horjooge C/laahi Cagey isagoo ku eedeeyey Cagey inuu magaalada ku daajinaayo mooryaanta Habargidir iyo calooshood u shaqeyaal la socdo.

Maxamuud Beyle ayaa sheegay in mar ay xerada AMISOM kula kulmeen C/laahi Cagey uu afkiisa ka qirtay in ciidamadiisa ay gubeen garaashka oo ay ku xareysnaayeen Baabuur badan isla markaasina marmarsi ka dhigtay inay ka soo fara baxsadeen ciidamada gubay garaashka.

Hoos ka dhageyso

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran