Dhageyso Xildhibaan Xalay Lagu Weeraray Gurigiisa Oo Ka Warbixiyey Siday Wax U Dhaceen

Qarax iyo rasaas is xigta ayaa lagu weeraray guri degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ka deganyahay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka fedaraalka, kaas oo lagu magacaabo Xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayow.

Xildhibaan Dhaayow oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in uu ka badbaaday weerarka gurigiisa lagu soo qaaday hase ahaatee ay jiraan tiro ka mid ah ilaaladiisa oo ku dhaawacmay bambaanooyinka iyo rasaaasta lagu soo furay.

Waxa uu intaa ku daray in aanu ogeyn sababta loo weeraray iyo cida ka dambeysa weerarka, isagoo meesha ka saaray tuhun ah in arimo siyaasadeed ay ka dambeeyaan weerarka lagu soo qaaday.

Mudanayaasha ka tirsan Baarlamaanka fedaraalka iyo xubnaha la shaqeeya dowlada Muqdisho ayaa la kulma weeraro kaga yimaada kooxo hubeysan mana jirto cid inta badan ka hadasha weerarada lagu beegsaneynyo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran