Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe Oo Ku Wajahan Magaalada Jigjiga Ee Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa martiqaad uu ku tagi doono magaalada Jigjiga ka helay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI) Cabdi Maxamuud Cumar.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu ku hormari doono booqashada magaalada Addisababa halkaasoo uu uga sii gudbi doono magaalada Jigjiga ee xarunta maamulka DDSI.

Weli faahfaahin rasmi ah ma laga helin waxyaabaha ay uga hadli doonaan kulanka dhex mari doono labada mas’uul ee kala ah Axmed Madoobe iyo Cabdi Maxamuud Cumar inkastoo wararka duul-duulka ah ee ay heleyso saxaafadda uu yahay  mid ku kooban in labada mas’uul ka hadli doonaan arimo la xiriiro dhinacyada iskaashiga Amniga iyo ganacsiga.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE