Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Oo Dib Ugu Laabtay Baydhaba (Sawiro)

Madaxweynaha Maamulka Fadhiidka ah ee Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dib ugu laabtay magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay oo xarun kumeel gaar ah Maamulkiisa.

Wafdi uu hogaaminayo Shariif Xasan ayaa lagu soo dhaweeyey Baydhaba, markii halkaasi uu ka degay ka dib ayuu warfidiyeenka uu kula hadlay waxaana mar kale uu ku goodiyey in ay bilaabayaan dagaal ka dhan ah Shabaab.

Shariif Xasan oo maamulkiisa uu soo dhaafi la’yahay Magaalada Baydhaha islamarkaana inta badan deegaanada Maamulkiisa ka tirsan ay ku suganyihiin Mooryaan iyo Shabaaab ayaan wax tallaaba ah qaadin waxaana arintaas lagu sheegaa in Shriif uu ku mashquulsanyahay safaro iyo dhaqaaale urursi.

Gobolka Shabeelada hoose ayaa waxa yaala in ka badan 40, isbaaro inta badan sibaarooyinkaas ayaa u yaala Madaxweyne Shariif iyo Mooryaan kale oo ku heshiiyey qeybsiga daqliga isbaarooyinka.

0117

0215

0314

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran