Midowga Yurub “Amisom Waxay Ku Fashilmeen La Dagaalanka Shabaab”

Midowga Yurub ayaa ka hadlay sababaha ka dambeeya in ay mushahaar dhimis ku sameeyaan Ciidamada Midowga Afriga ee ku sugan Soomaaliya.

Michele Cervone D’Urso oo ah Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan arimaha Soomaaliya oo wareysi The Star ee kasoo baxda dalka Kenya ayaa markii ugu horeysay sheegay in la dhimay mushaarkii ay qaadan jireen ciidamada amisom , waxa uuna tilmaamay in la dhimay 20% lacagihii ay mushaar ahaanta u qaadan jireen Ciidamada amisom.

Wakiika ayaa intaa ku daray in arintaas ay ku war geliyeen Taliska Amisom islamarkaana ay u sheegeen in lacagaha laga jaray ay ku bixinayaan meelo kale si loo ballaariyo howlaha la dagaalanka Shabaab.

Meelaha kale ee lagu bixinayo lacagtaas ayaa Midwga Yurub uu sheegay in ay siinayaan kooxo kale oo la dagaalamaya Shabaab, maadaama Amisom ay ku fashilantay dagaalka lagula jiro Shabaab oo awoodooda ay kusii kordheyso koonfurta Soomaaliya.

Waxa uuna ka digay Michele Cervone D’Urso, in aan si qaldan loo fasiran sababta ay u dhimeen mushaarkii ay siin jireen Ciidamada AMISOM waxa uuna intaa raaciyay in ay muhiim tahay xiligan in la dhiso lana taageero ciidanka Xooga Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran