Deg Deg Mooryaanta Nuur Jiidaaw Oo Hada Barakicin Qasab Ah Ka Wada Deegaano Duleedka Ka Xiga Shalambood

War hada naga soo gaaray Deegaanka Shalambood ee duleedka magaalada Marka xarunta Gobolka Shabeelada hoose ayaa sheegaya in Mooryaanta Habar gidir ay weerar ku qaadeen deegaano dhowr ah oo halkaasi ku yaala.

Wararka aan heleyno ayaa ah in Mooryaan ka amar qaadata Kaaba Mooryaan Nuur Jiidaaw ay wadaan barakicin qasab ah oo ay ku sameenayaan dadka ku dhaqan deegaanada Buul-cadeed iyo deegaano kale oo dhamaantood ay degenyihiin dad shacab ah.

Dadka qaar oo hada ku lugeenooyo dhulka Bacaadka ah ee shalambood ka xiga dhanka Bari ayaa ku sugan xaalado aad u dag waxaana lagu soo waramayaa in ay isugu jiraan Caruur iyo waayeello uu ku adagyahay socodka.

Mooryaan xoog ku joogta Deegaanka Shalambood ayaa siday heshay Shabakada Markacadey.com waxay guryahooda ay ugu tageen dadkan oo ay ku amreen in ay ka baxaan deegaanka hadii lagu arkana ay u gubi doonaan sidii dadkaii Dudumo si la mid ah.

Saacadaha soo aadan waxaan soo gudbin doonnaa hadii ay noo suuragasho codadka dadkan oo ku sii jeeda deegaanada Ceeljaale, Ceel-axmed iyo Ceelcadow.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE