Dhageyso Gudoomiyaha Deegaanka Lajiide Ee Gobolka Galguduud “Xaalado Bina aadannimo Oo Daran Ayaa Ka Jira Deegaanka”

Deegaanka Lajiide oo ka mid ah deegaanada hoos taga Degmada Xeraale ee Gobolka Galguduud ayaa waxa laga soo sheegayaa abaar saameysay dadka iyo duunyada halkaasi ku dhaqan.

Warar ayaa sheegaya in xoolaha deegaanka laga dhaqdo oo u badan Ariga ay soo wajaheen xaalado adag oo xaga nolosha ah, waxaana si aad ah u saameeyey macluusha jirta.

Gudoomiyaha deegaanka Lajiide Maxamed Salaad Salaxow oo la hadlay Shabakada Markacadey.com ayaa ka hadlay saameynta xaga abaaraha, waxaana uu sheegay in dhibaatada ay gaartay meel aad u xun.

Deegaanada qaar ee ku dhow dhow Lajiide ayuu sheegay in ay ka da’een roobabka xilliga gu’ga hase ahaatee ay u naq raadsan Karin maadaama colaad ay kala dhaxeysa dadka deegaanadaas degan taasna ay keentay in ay ku kali noqdaan biyaha iyo dooga ay ka heleen roobabka curtay.

Hormarkii deegaanka ka jirey ayuu sheegay in uu baaba’ay, hada ayuu tilmamaay in wax hormar ah oo la tilmaama aanu ka jirin, waxaana taa u ku micneeyey dhaqaale la’aan, Ugu dambeyntii dadka kasoo jeeda deegaanka ee ku  nool qurbaha ayuu ugu baaqay in ay wax ka qabtaan xaaladaha adag ee ku suganyihiin dadka deegaanka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran