1000 Ruux Oo BIYAMAAL Ah Oo La Dilay 2 Maalin Gudahood – WQ: Prof Yaxya Caamir

Inkasta oo dad badani aaminsanyihiin in gobalka Sh/hoose uu weligii ahaa gobal nabadeed , haddana 100 kii sanno ee ugu dambeeysay wuxuu ahaa goob dagaal.

Dabayaaqadii qarnigii 19-aad iyo bilowgii qarniga 20-aad deegaanka biyamaalka waxaa ka muuqanayay saxan saxo colaadeed, dagaaladii Lafoole ee Wacdaanka iyo Talyaaniga, Biyamaalku waxeey cuna qabateeyeen Talyaanigii Marka joogay si ay u muujiyaan iney Wacdaanka taageersan yihiin, iyagoo gacan siiyay Xasan Xuseen oo ahaa hoggaamiyaha Wacdaan waxeyna u xireen wadada Xamar iyo Marka isku xirta ee dhinaca xeebta ee ku beegan biyamaalka Waqooyi.

Arrintaasi waxey keentay in Talyaanigu Xamar ka soo baxo oo uu Jaziira ku duulo, asigoo aaminsan in jilibka Sacad ee Biyamaalka Waqooyi ay ka dambeeyeen fidnadaa, dhinaca kale Talyaanigu wuxuu bilaabay inuu hab siyaasadeed ku kala fur furo Biyamaalka isagoo u balan qaaday hoggaamiyihii Biyamaal Xaaji Cali Ciise in loo qoro mushaar gaaraya 120(Thater) lacag dhan Sanadkiiba, Fiiri Marqaati buugga Le Questionl oo ay qoreen Chiesi iyo Travelli bogga 274-75 iyo dokumentiga No 40.

Laaluushkaa waa diiday Xaaji Cali Ciise shuruud cusub ayuuna ku xiray arrintaa siyaasadeed ee Talyaanigu watay waana hirgeli weyday sida ku cad qoraalka Xaaji Cali ee 1903-dii wax yar geeridiisa ka hor, kaddibna bishii April 1904-tii Biyamaalku waxey go’aansadeen in Dekedda Marka ay xiraan, waxeyna la beeg sadeen xilliga dabeysha K/Galbeed ee mansuunka, iyagoo walibana xiray irdihii Magaalada Marka laga soo gelayay, taasi waxey sababtay in bishii Juun 1904-tii macluul ka dhacdo magaalada oo dadkii Markaa ku noolaa oo gaaraya 5000-ruux barkood ay ka guuraan, Fiiri Marqaati sida xaaladda Marka uu ku sifeeyay qoraalka Devito ee 28-kii May 1904 gurmadkii ciidan ee Xamar talyaanigu ka soo diray jidka ayaa loo galay mar kale dhinaca Biyamaalka 45-ruux ayaa uga dhimatay gurmad celintaa, Fiiri Marqaati buugga Dr. Lee bogga 225-aad, 45ta-ruux ee Biyamaal laga dilay waxaa ka mid ahaa gabyaagi dagaal yahanka ahaa ee Jabriil Macallin Barow, ugu dambeyn Biyamaalku waxey isugu yimaadeen shirkii Cigalle lagu qabtay waxeyna go’aansadeen in Marka lafteeda la weeraro, lana raadsado gaashaan buur, Muddadaa wixii ka dambeeyay inta badan waxaa dagaalada kala qayb galay qabaa’ilkii kale ee deegaanka.

Taiyaanigu wuxuu bilaabay hab kale oo uu ku kala fur furo Biyamaalka, Biyamaalka Koonfur waxey rabeen iney badeecadooda Marka geystaan, kuwa Waqooyi waxaa laga degay ceelashii xeebta Waxaana la yiri ceelasha sunaa lagu shubay intaan la gaarin madashii labaad ee Cigalle ayaa Talyaanigu cigalle degay, bishii Janaayo sanadkii 1905-tii ayaa wadaado weerareen qalcaddii Cigalle uu Talyaanigu ka dhistay, hoggaanka duullaankaa waxaa ka mid ahaa Xaaji Cabdi Abiikar “Gafle” oo inkastoo lug laga dhaawacay ka baxsaday talyaanigii, ilaa 15-sano oo kale ayuuna dagaalka sii waday, Talyaanigu aad ayey u raadiyeen iyadoo laga baqayay in wadaadkaa Biyamaal ee dariiqada Saalaxiyada( axmadiya) wata uu la xiriiro daraawiishta. Goobo badan ayaa Talyaaniga iyo Biyamaalku isku haleeleen, waxaana ugu caansaneyd tii bishii February ee 1907-dii oo weerarkaas 2000 oo Biyamaal ah ay ku weerareen 500 ciidan dhan oo Talyaani ahaa oo joogay saldhigga ugu weyn oo ku yiilay “Turunley Dhanaane” oo ah xeebta Waqooyi ee Marka, Fiiri Marqaati isla buugga Dr. Lee bogga 207 xataa goobta kale ee Fiinlow ee Julay 1908 Biyamaadka waxaa uga qeybgalay ciidan gaaraya 2000, goobta la magac baxday “Sabti iyo Axad” oo laba maalin socotay, taa oo Biyamaalka looga dilay 1000 ciidan ah.

Dhimashada 1000 kaa ciidan, Biyamaalka waxey ku nogotay jab, goobtaa oo “Sabti iyo Axad” Soomaalidu u taqaano, halka goobtaa Talyaanigu u yaqaan “Vittorio d’ Africa” guushii Afrika, Fiiri Marqaati: Ufficio Storico Somalia 1:147 (xafiiska taariikhda soomaalida 1:147). dagaallada kale ee Biyamaalka waxaa ka mid ahaa goobtii Jilib Marka ee 1908-dii oo loo yagaan dagaalkii saddexda saac waxaa kale oo ka mid ah dagaalladii Shalaambood ee Lulyo 1908-dii, dagaallo badan kaddib Biyamaalku waxey isugu yimaadeen shirkii Moyaale waxeyna goosteen in 500 oo dagaalyahana ah loo diro Sayid Maxamed, inkastoo taa shir laga go’aamiyay hadana Biyamaalku waa ka faani jiray inuu cid deegaanka ka baxsan wax weydiisto sida uu yiri Dr. Lee, dagaalyahanadaa saad ayaa loo ururiyay muddo 4 bilood ah waxeyna ugu dambeyn u amba baxeen xagga Sayidka iyagoo hub u doontay waxaana kala hoggaaminayay afarta hoggaamiye oo midba jilib ka socdo oo kala ahaa: Malaaq Cabdi Turcay, Sheekh Jamaal Macallin Xasan, Maxamed Mursal iyo Bilow Ageede, Ciidamada Biyamaalku markey ku biireen daraawiishta waxey muujiyeen dagaal yahanimo, intii ay Sayidka la joogeen goob Amxaarada lagula diriray ayaa 73 uga dhimatay. Horayba Abuukar Ashir Sacmawaaye oo Biyamaal ahaa ayaa 1904 tii tegay gobalka Hiiraan asagoo ku biiray Soomaali Hiiraan kula dagaalameysay Amxaaro, kaddibna wuxuu u gudbay xagga Sayid Maxamed, wuxuuna noqday darwish, waxaa la dejiyay ilig waxaana la siiyay qori iyo faras, toban sano kaddib qaar ayaa dib u soo noqday.

Asagoo jabkaa ka faa’iideeysanayo kana taxadarayo in dagaal dambe soo noqdo ayuu talyaanigu ka ururiyay 400 rag dhan oo u badnaa odayaal dhaqan ,wuxuuna qasab ku saaray markab ciidan asagoo leh waxa ay la kulmayaan Boqor talyaani ah weyna soo noqonayaan, dib dambe looma arag loomana maqal waxaana la aaminsanyahay in badda lagu wada daadiyay….Taariikha badan oo muhim ah ayaa nalaga qariyay oo la xiriiray sida waalidiinteeno isticmaarka ula dagaalameen .
Qoraalkan ,wax waad ku kordhin kartaa, sixi kartaa,dhaliilina kartaa.
Qore: Yahya Amir – Waa Macallin

Prof Yahya Amir
Prof Yahya Amir Waa Macalin Wax ka dhigo Jaamacadaha Magaalada Muqdisho
Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE