Kooxda Shabaab Oo Heshiis Qasab Ah Dadka Deegaanka Ugu Dhiibtay Odayaal Ay Ku Kulmiyeen deeganada Ay Maamulaan

Kooxda Shabaab ayaa heshiis qasab ah oo ay ku sheegeen in ay dhex dhihgeen Mooryaanta Habar gidir iyo Beesha Biimaal ka sheegay warbaahinta ku hadasha afkooda ka dib markii kulan ay ku qabteen deegaanada ay maamulaan.

Heshiiska oo ay sheegeen in uu gaarayo ilaa shan qodob ayaa waxa ku jira in guud ahaan la baneeyo deegaanada laga xoreeyey Mooryaanta ee ay hada gacanta ku haayaan Ciidamada deegaanka, in laamiga dheer laga qaado dhamaan koonytaroolada si fursado ay u heleen Mooryaanta iyo qodobo kale.

Dhamaan qodobadan ayaa waxa ay yihiin kuwo loogu daneenayo Mooryaanta duulaanka kusoo qaaday Gobolka Shabeelada hoose waxaana qeyb uu ka yahay heshiis horey u dhex maray Habar gidir iyo horjoogayaasha Shabaab ee kasoo jeeda Beesha Hawiye oo heshiis ku ahaa in loo gacan qabto dadka kacdoonka ka wada Shabeelada hoose.

Qodobada laguma soo hadal qaadin dadka maalin kasta si qasb loogu barakicinayo guryahooda, dadka maalin walb ay xasuuqayaan Mooryaanta, dadka mudo laba san ka badan ka maqan guryahooda, deegaanada ay gubeen Mooryaanta, dadka aan ku hoyan karin guryahooda oo qoryo lala dul saaranyahay, caruurtii iyo ayeeyadood dhawaan lagu gubay duleedka shalambood iyo go’doominta lagu haayo shacabka ku sugan qaar ka mid ah deeganadooda.

Odayaasha Beesha Biimaal uga qeyb galay shirkan ayaa sheegay in uu jirin wax wada hadl ah oo si gaar ah u dhex maray iyaga iyo Habar gidir hase ahaateen ay Shabaab uga yeereen beer ku taala agagaarka Ugunji islamarkaana lagu dul aqriyey qoraal ay si wada jir ah usoo diyaariyeen qab qablayaasha Habar gidir iyo Horjoogayaasha Shabaab.

Inta badan Odayaasha deegaanka ayaa shirqool diin loogu gambanaayo ku tilmaamay heshiiskan oo sida muuqata ku yimid rabitaanka habar gidir oo ku hoyan waayey deegaanada ay xooga ku joogaan.

Dhageyo Codka khiyaaliga ah ee uu ku hadaaqayo horjoogaha Shabaab u qaabilsan Shabeelada hoose.

 

 

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran