Qorshaha Abwaan Suufow Ee Xididada Loogu Siibayo Muudey Booda-boode!!!

Nuur Abtow oo ay kadiso ku noqotay booqashada Abwaanka ayaa dhinac iska dhigay buug yar oo ay ugu qornaayeen Deymo uu macaaamiisha ku leeyahay iyo warqado ay ku daabacnaayeen telefoono la diray oo aan lacagtooda Qasnada lagu hubsan, waxa uuna fadhiga uga istaagay Abwaan Suufow si uu ku soo dhaweeyo.

Nin Dhalinyaro ah oo ka mid ah shaqaalaha Xarunta ayuu ka codsaday in cabitaan iyo Shaah u keeno, waxa uuna ku adkeeyay in aysan cidna u soo geli karin, kadibna isagoo dhoola-caddeynaya ayuu yiri: Abwaan waad igu soo kadisay booqashada ee warkaaga soo dey.

Abwaan Suufow oo kaftamaya ayaa hadalkiisa ku bilaabay: ninyahow waxaa iga batbatay magaca Baraanjigan, rag badan ayaan ka maqlaa: Baraanjiga Nuur Abtow ayaan ku socdaa ama ka imid.. Qaar baan maqlaa oo leh warkaas Baraanjiga ayaa lagu sheegayay ama Baraanjiga ayaa maanta arintaas looga hadlay, marka, hadaan anigana Baraanjiga Tahliisha u soo doonto ma ceebaa?..

Nuur Abtow oo kabanaya Koob shaah ah oo miiska u saarnaa ayaa ugu jawaabay kaftankii Abwaan Suufow: Abwaanow adiga waad ka weyn tahay inaad Tahliil cid kale u doonato, adiga ayay ahayd in laguu soo xireysto, anigana sidaan horey mar kuugu sheegay waan jeclaa inaan marar badan shirno, fekerkana is dhaafsano, gaar ahaan arinta adiga iyo anigaba noo dan ah ee ku saabsan ninkii Muudey Booda-Booda ahaa.

Abwaan Suufow oo la dhacay hadalka Nuur, iscajabina ay ka muuqato ayaa yiri: waa runtaa aniga waxaan ahay Abwaan ama Hal-abuure caan ka ah dhulalka Soomalida, waxaana horay u allifay dhowr Ruwaayadood oo aan cudurada bulshada ku daweynaayo, qaarna heesaha ku jira aan ka curiyay Xisaabta iyo Fiisigiska, waxaana ka mid ahayd hees aan ka sameeyay Jidka-saabley-waa hadii aad maqashay-,sidaas darteed, maadaama arinta Muudey Booda-boode ay noqotay cudur bulshada Tuulada Barwaaqo-weyn asiibay, Abwaankana yahay dhakhtarka Bulshada waxaan maanta kuu wadaa qorshihii aan xiddida ugu siibi lahayn Muudey Booda-boode, cudurkiisana bulshada uga daweyn lahayn.

Nuur Abtow oo aan jecleysan faanka Abwaanka, una arkay in uu isaga ku liidayo, una qarinayo in uusan dhinaca tacliinta ku horeyn ayaa galay fekar gaaban iyo isla-hadal uu ku baadigoobayo jawaabta uu bixin lahaa.

Inta uu ku maqnaa Nuur Abtow isl-hadalka ayaa Abwaan Suufow waxa uu waday inuu soo bandhigo qorshaha ay kaga taqalusayaan Muudey Booda-boode wuxuuna ku bilaabay: Nuurow, waxa ugu muhiimsan marka uu Abwaanka Ruwaayad Allifayo waa in marka hore uu doortaa shakhsiyaadka ugu muhiimsan ee ku jira Ruwaayadda, sida: heerkooda Bulsho(social status), dabeecadahooda,rabitaankooda iyo baahdooda, marka uu Abwaanka sameeyo shakhsiyadahaas ayaa waxaa u fududaaneysa in qisada ama fariinta ay xambaarsan tahay Ruwaayadda uu si fudud isugu xiro, una daadahiyo ilaa laga gaaro dhammaadka.

Si la mid ah Ruwaayadda waa inaan marka hore daraasad ku sameynaa Shakhsiyadda Muudey Booda- boode iyo ragga ugu huhiimsan ee uu ku tiirsan yahay, isla markaana ogaanaa qof walba oo ka mid ah, rabitaankiisa, baahidiisa iyo waxa keenay in uu madiidin u noqdo Muudey Booda-Boode, si aan uga adkaano.

Nuurow waxaan ognahay in ragga Tiirarka u ah Muudey Booda-Boode ay isugu jiraan: Macalin hore Dugsi Qur’aan u dhigi jiray, Dalaal hore guryahaya u iibin jiray, shakhsi horay jagooyin siyaasadeed u soo heyn jiray oo bulshada dhexdeeda magac ku lahaa, mana aha inaan liidayo iyaga iyo mihnadooda laakiin waxaan diidanahay dhibaatada ay bulshada ku hayaan, mar aan tiriyay hadal yar oo aan ku cabbirayay in ay cudur ku yihiin bulshada waxaan iri:

Damiir-laawe hadal macaan Duul uu hogaanshay Dulli kama Baxaane
Dallaal Madax-adag Duul uu hogaanshay Daal kama baxaane
Diin ka carare Kutub-xoor ah Duul uu hogaanshay Dar-xumo kama baxaane
Dammiin Darawal ah Duul uu hogaanshay Dayac kama baxaane
Duq Sideetan Jir ahoo xukun jaceyl madax-maray Duul uu hogaanshay Diif kama baxaane

Nuurow, walow intoodaba ay ku kala geddisan yihiin Dabeecadda, heerka aqooneed iyo Da’daba, haddana waxay ka mideysan yihiin in ay ka baqayaan Mustaqbalka, oo ay u maleeyaan in haddii ay waayaan jagooyinka ay hadda hayaan ay noloshooda gebi ahaan burbureyso, marka sidaas ayey muhiim u tahay in aan mid walba gooni daraasaad ugu sameyno, Luqada uu fahmayana kula hadalno.

Waxaa tusaale kuugu filan mid ka mid ah shakhsiyaadka uu ku tiirsan yahay Muudey Booda-boode ayaa nagu yiri dhowaan mar aan mid ka mid ah Hoteelada magaalada Cadeed ku kulanay hadal markaan soo xusuusto aan qosol la ilmeeyo, isla markaana na tusinaya sida ay muhiim u tahay arintaas.Shakhsiga aan ka hadlayo wuxuu nagu yiri: Nimanyahow gurigii aan ku jirnay ayaad dumis ku bilowdeen, boorka ka soo daadanaya ayaa indhaha naga qariyay, dhagxaanta ka soo daadaneysana iskaba daa laakiin nimanyahow gurigeeni naga dumiseene mid ka wanaagsan ma noo heysaan.

Nuurow markaan runta kuu sheego wadashaqenteena waxay ku xiran tahay Su’aasha ah: walaalkey Nuur ma yahay shakhsi aan isku halleyn karo waayo waxaa laguugu xantaa inaad horay bohollo uga ridday rag badan oo uu ugu dambeeyay Axmed Abkow-gudoomiyaha Tuulada Barwaaqo weyn.

Nuur Abtow oo ka kululaaday hadalka ay tuhmadda xirfadeysan ku jirto ee Abwaan Suufow ayaa yiri: Abwaanow horta maanta oo dhan waan ku dhageysanayey, tixda aad ka tirisay kooxda Muudey-na waad ku mahadsan tahay, walow Deel-qaaf iyo waxaan isku toosneyn ila tahay, laakiin waxaadan ogeyn in Baraanjigan yar uu yahay iskuul soo saaray/saara Hogaamiyaasha shalay,hadda iyo kuwa Mustaqbalkaba ee shacabka Tuulada Barwaaqo weyn, waa baarlamaan looga doodo arimaha Tuulada Barwaaqo-weyn, waana goob ay ku xiran yihiin Quluubta reer Tuulo Barwaaqo weyn, waana dareemi kartaa waxa ay ku gaartay heerka intaa la eg,waa kartida iyo caqliga ku duugan shakhsiga ka dambeeya, waxaana hubaa in hadii aan labadeena is-kaashano aan arintan wax ka qaban karno.

Laakiin Abwaanow, ogow meesha Ruwaayad loogama baahna, Ruwaayad waa mala’awaal loogu talagalay madadaalo, meeshana madadaalo loogama baahnee dagaal siyaasadeed ayaa ka socda, waana mid u baahan Qorshe aan mala’awaal ahayn oo keenya in aan ka guuleyano Muudey Booda-boode, asiga iyo shakhsiyaadka ku xirana waa la yaqaanaa, daraasadna uma baahna ee intaas wax dhaafsiisan ma heysaa.

Intaas marka uu marayo ayaa Abwaan Suufow ka dhexgalay, wuxuuna ku yiri: saaxiibkey Nur,waxaan u maleynaa inaadan wax badan ka aqoon Ruwaayadaha iyo fariimaha ay xambaarsan yihiin waayo Hal-abuurka Abwaaniinta ma aha wax ay iyaga iska sameeyaan ee waxa uu ku dhisan yahay Qisooyin dhab ah oo bulshada ka dhex dhaca, kuwaas oo uu Abwaanka banaanka soo dhigo, kadibna Dawo u raadiyo, cid maanta aniga iga haboon inaan Cudurka Muudey Booda-boode bulshada Tuulada Barwaaqo-weyn ka daweeyana ma jiro, ee inta dhiman Qorshaha aan mar kale  isaga nimaado…

Ciise Maxamuud

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran