Wariyaha TV-ga Caalamiga Ah Ee Sky News Oo Ciidamada Puntland U Raacday Howlgal Ay Ka Fulinayeen Buuraha Galgala (Video)

Wariyaha Telefishinka Sky News Alex Crawford oo ku wehelineysey ciidamada Puntland howlgal ay ka wadeen Buuraha Galgala ayaa si toos ah warbixin ka soo tebisay buuraha Galgala halkaas oo uu ka socdo dagaal Puntland ay kula jirto Al­Shabaab iyo kooxda ku cusub Somalia ee Daacish(ISIS).

Howlgalka oo si goos goos ah uga dhacayey deegaanka Galgala ayey ciidamada Puntland xoog ku galeen guri uu deganaa wadaadka Beycada la galay DAACISH Sheekh C/qaadir Muumin.

Sheekh C/qaadir Muumin oo ka soo jeedo magaalada Boosaaso ayaa mar ku noolaan jiray dalka Britain, wuxuuna hadda madax u yahay garabka Daacish ee Al­Shabaab ka goostay.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE