Dagaal U Dhaxeeya Shabaab Iyo Maleeshiyada Dowalada Oo Ka Socda Gobolka Shabeelada Dhexe

Wararka naga soo gaaraya deaagaanka Ruunirgood ee Gobolka Shabeelada dhexe ayaa kusoo waramayaa in uu ka socdo dagaal xoogan u dhaxeeya Maleeshiyada Dowlada iyo kooxda Alshabaab.

Dagaalka ayaa sida wararka lagu helayo yimid ka dib markii Deegaankaas dagaal ay ku qaadeen Maleeshiyaad deegaanka ah oo gacan ka helaya Ciidamada Amisom, waxaana sidaa ku qarxay dagaalka.

Sidoo kale Waxa lasoo sheegayaa in Maleeshiyaadka deegaanadaas kasoo jeeda ay qabsadeen deegaano kala duwan oo ku yaala xadka ay wadaagaan Gobolada Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan.

Wararka deegaanada la qabsaday ee aan heleyno ayaa waxa ka mid ah Halgan, Garasiyaani, Ceel-lahelay, Masaajid Cali guduud iyo kuwo kale, waxaana wararku intaa ku darayaan in kooxada Shabaab ay isaga baxen deegaanada Maanta lagala wareegay oo intooda badan wax iska hor imaad ah uu ka dhicin.

Mala oga in Ciidamada Maanta la wareegay deegaanada ku teedsan xadka Hiiraan iyo Shabeelada dhexe in ay dib isaga baxi doonaan iyo in kale hase ahaatee waxaa jirta cabsi dadka deegaanadaas ka haaysata in ay lagu dul dagaalamo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE