Dhageyso Nabadoon Cabdow Laam-yeeri “Marka Nabad Ayaa Ka Jirtaa Ninkii Mudooyo, Saake Ugu Dambeysay Wiilaa Laga Toogtay Saraha Mooryaanta Ay Saaranyihiin”

Namadoon Cabdow Laamyeeri oo ka mid ah waxgaradka Beesha Biimaal oo hada ku sugan Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sjabeelada hoose ayaa shacabka uga digay in ay ku kadsoomin sheekada mala awaaalka ee dadka looga sheekeeyey.

Nabadoonka ayaa sheegay in Marka iyo nawaaxigeeda aanay kajirin wax nabad ah oo shacabka ay ku noolaan karaan ama lagu kalsoonaan karo, wuxuu intaa raaciyey in dhibaatada ka jirta deegaank ay horseedeen Mooryaan aan Alla iyo Diin midna ku xirneyn.

Waxa ugu dambeyn uu sheegay in dhacdsdii ugu dambeysay ee Marka ka dhacaday ay ahed in Wiil 18, sano jir ah laga soo toogtay mid ka mid ah dhismayaasha ay xooga ku degenyihiin Mooryaanta.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE