Dowlada Ethopia Iyo Madaxweyne Xasan Garguurte Oo Isku Waafaqay Waqti Kordhin Loo Sameeyo Dowlada Hada Jirta (xog)

Dowlada Ethopia ayaa wada dadaalo ay Maamul Goboleedyada ka jira dalka uga dhaadhicineyso sidii ay u ogolaan lahaayeen in dib loo dhigo  doorashada lagu waday in ay ka dhacdo dalka Soomaaliya dhamaadka sanadkan.

Sida aan ku helnay xog arintan ayaa ka dhalayay safarkii dhawaan Madaxweyne Xasan Garguurte uu ku tagay dalka Mareekan ayaa la sheegayaa in madax dhowr ah oo halkaasi uu kula soo kumay uu ka dhaadhiciyey fikirka ah in beesha caalamka ay aqbasho xil kordhin loo sameeyo dowlada hada jirta.

Xasan Garguurte ayaa madaxdii uu la kulmay u sheegay in loo baahnyahay waqti ku filan oo lagu diyaariyo qorshaha doorashada oo uu hada sheegay in wax waqti aanu u heysan diyaarintooda oo culeysyo milateri iyoistaraatiijiyad la’aan ay dhexda kaga jirto dowladiisa.

Madaxda uu la kumay Xasan Garguurte oo u badnaa reer Galbeedka ayaa u sheegay in wakiilka Beesha Caalamka ee Soomaaliy ay tahay dowlada Ethopia islamarkaan qorshiisa waqti kordhinta uu ka dhaadhicyey dowlada Addis ababa fadhgieedu yahay.

War si buuxda aan usoo shaac bixin ayaa sheegaya in dowlada Addis ababa iyo Xasan ay isla meel dhigeen in waqtiga loo kordhiyo hey’adaha dowlada ee hada jira, tuhunk ah in Xasan garguurte iyo Madad Addis ababa aya isku waafaqeen sheekada muda kordhinta ayaa waxa si weyn usoo if bixyey Madaxda Maamul goboleedyada oo bilaabay safaro is daba mar ah oo ay ku tagayaan dalka Ethopia.

Madaxda Maamul Goboleedyada oo marka ay tagaan Addis ababa sheega in ay halkaasi u tageen sidii loo xoojinlahaa xirirka labad dhinac ayaa lasoo sheegayaa in ay qaateen qorsha hada lasoo wado. Lama oga arintan siday u qaaadan doonaan Maamulada Kismaayo iyo Garowe oo siyaasad ahaan kasoo horjeeda qorshayaasha Xasan iyo xulafadiisa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE