Jamhuuriyadda Somaliland Oo Maamulka Goboleedka Puntland Ku Wareejisay Gaarigii Madaxwayne-Xigeenka Ee Lala Soo Goostay

La Taliyaha wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md Axmed Xasan Cigaal iyo Afhayeenka wasaarada Arrimaha gudaha Somaliland Md Jamaal Cabdi Muxumed ayaa si rasmi ah maamulka Puntland ugu wareejiyay gaadhgan magaalo xuduudeeda Tuko-rag ee kala qaybisa Dalka Somaliland iyo Maamulka Puntland.

Masuuliyiintan ayaa kulan ay magaalada Oog ku la yeesheen saraakiisha ciidamada Milatariga Widh-Widh ka wareejiyay gaadhigan oo ay gacanta ku hayeen una gudbiyay Talista Milatariga Oog.

Taliyaha Xerada Milatariga Oog oo isagu gacanta ku hayay baabuurkan oo noociisu yahay Xaajiyad ayuu taliyuhu si rasmi ah ugu wareejiyay masuuliyiintan ka socday wasaarada Arrimaha gudaha Somaliland.

Masuuliyiintan ayaa gaadhiga ku wareejiyay saraakiil ka tirsan ciidamada Maamulka Puntland ,wareejintaasi oo ka dhacday Magaalada Tuko-rag,waxaana gacan wayn ka gaystay Taliyaha ciidamada Qaranka Somaliland Gen.Ismaaciil Shaqale iyo Wasiirka Arrimaha gudaha Md Cali Warancadde.

Xukuumadda Somaliland,waxay maamulka Puntland kala hadashay kharashaad ka maqnaa Dirawalkan la soo goostay Baabuurka oo sheegay inuu leeyahay Mushahar dhan laba sanno iyo badh.

ISHA: Somalilandtoday

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE