Maxakamada Maleeshiyada Xukuumada Muqdisho Oo Xukuno Ku Ridey Kuwii Ka Dambeyeey Weerarkii Baydhaba

Maxkamada ugu sareysa Maleeshiyada Dowlada Muqdisho ayaa xukuno dil ah maanta ku ridey eedeysanayaal loo heystay weerar dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Bydhaba.

Dadka lagu xukumay xukunada dilka oo gaaraya ilaa shan xubnood ayaa afar ka mid ah waxaa loo heystay abaabulka weerarkii qaraxyada ahaa ee Baydhaba ka dhacay, waxaana lagu xukumay dil toogasho, halka ruux shanaad oo loo heystay in uu ka dabeeyey dil loo geystay nin shacab ah isagan dil lagu xukumay.

Waxa sidoo kale Maxkamada ay hal sano oo xabsi ah ku xukuntay nin ka mid ahaa ragii ka shaqeeneyey garaashkii lagu soo diyaariyey baabuurta lagu qarxiyey faras magaalada Baydhaba.

Liibaan Cali Yarow oo ku magacaaban Taliyaha Maxakamada Maleeshiyada dowlada ayaa saake xukunadan kaga dhawaaqay magaalada Baydhaba, waxaana uu wax kama jiraan ku tilmaamay racfaan ay horey u qaataan eedeysanayaasha waxaana xukunada dilka ah uu ku raacay maxakamada darajada koowaad ay horey xukuntay deedeysanayaashan.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE