Mooryaan Afka Soo Duubatay Oo Qal Geliyey Amaanka Qaar Ka Mid Ah Deeganada Ku Teedsan Wadad Dheer Ee Laamiga

Ka dib heshiis ku sheeg ay si wada jir ah uga soo wada shaqeeyeen kooxda Shabaab iyo qab qabayaal Habar gidir ah oo lagu qasbayo Beesha Biimaal ayaa lagu soo waramayaa in uu keenaya in inta badan deegaanada ku teedsan wadada dheer ee laamiga ah lagu soo daadiyey Maleeshiyaad afka soo duubtay.

Sidaan ku heleyno warbixinta Mooryaan ka mid ahaan jirtay kuwii horey looga saaray deegaano ku yaala inta u dhaxeysa Marka iyo Nambar 50 oo isku soo ekeesiiyey Shabaab ayaa fariisimayaal ka dhigtay deegano dhanka koonfureed kaga beegan Buufow Bacaad, Gandaawi iyo Ceelwareegow.

Maleeshiyaadkan afka soo duubtay ayaa dadka deeganka ku amray in aanay arki kirin Askari ka tirsan Ciidamada deegaanka oo qori ku haaysta inta u dhaxeysa Laanta Buuro ilaa Shalambood, waxaana ay sheegeen in ay fulinayan heeshiikii qasabka ahaa ee Beesha Biimaal lagu maray in ay ku ogolaato in wax hub aanay ku haaysan karin deegaanada horey looga xoreeyey Mooryaanta Habra gidir ee dagaalada xoogan ka dhaceen.

Siday kusoo waramayaaan dadka ku dhaqan deeganada la dul degenyahay, habeenkii xalay lagama hurdin waxaana laga baqdin qabay weerar mir ah oo ay soo qaadaan Mooryaanta iyo shabaab isku ekeysiiyaasha u dagaalamaya mgaca Hawiye.

Waxa feejignaan dheeri ah ku jirey Ciidamada deegaanka (Biimaal) oo si dhow ula socda dhaq dhaqaaq Mooryaanta wajiyada bedeshay ee markan kusoo duulaan tageysa magaca diimeed aan sharci aheyn.

Waxa horey u jirey heshiis Shabaab iyo qab qablayaal habar gidir ku dhex maray deegaanka Doon-buraale oo ku yaala meel koonfur Bari kaga beegan Janaale halkaas oo lagu balamay in la mideeyo Hawiyaha Shabaab ku jira kan Mooryaanka si ujeedada dhul ballaarsiga aanay u burburin.

Bishii labaad ee sanadkan ayaa Maleeshiyaadkii xooga ku joogay Marka oo afka soo duubtay ayaa waxay sheegteen Shabaabnimo, si aanay fursad u helin Ciidamada Biimaal ee markaas dul fadhiyey Mooryaanta, waxaana ficilkaas shabaabnimo ku taageeray horjoogaha Shabaab ee Gobolka Shabeelada hoose Maxamed Abuu Cabdalla oo meel fagaare ah oo ku yaala Marka ka sheegay in ay qabsadeen magaalada.

Saraakiisha Shabaabka maamusha ayaan weli ka hadlin ihaaneyta Magaca Shabaab iyo dulmiga loogu geysanayo Shacabka Beesha Biimaal oo dagaal kula jira Mooryaanta soo duushay, waxaana la sugayaa dagaal dhex mara Maleeshiyada ilaalinaya magaca Hawiye ee marna afka soo duubta (shabaab iska dhiga) marna gaari dowladeed kusoo dagaal gala.

Sanadii hore ayaa qab qablayaasha Habar gidir ee horboodaya Hawiye waxay warbaahinta ka sheegi jireen in Beesha Biimaal ay taageero ka hesho Shabaab markii uu fashilmay qorshaha shababaab ku shaabadeynta Biimaal ayaa waxa hada lasoo xoqay kaar cusub oo ah in Biimaal taageero uu ka helo Ciidamada Amisom

 

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran