Somaliland Hadaan Madaxwayne Ka Noqon Lahaa iyo Sideed Arimood Oo ka Mid Ah Arimahaan Xooga Saari Lahaa Qaybtiisii labaad..

1::::Daryeelka Deegaanka iyo Ladagaalanka Xaalufka dhulka waxaanu u abuuri lahayn Ciidan gaar ah oo ilaaliya xaalufinta dhulka oo waxaanu beeri lahayn   kumanyaal geed dalka oo dhan bil walba.

2::::Daryeelka xoolaha iyo dhiiri galinta xoolo dhaqatada
Waxaanu si dhow ula socon lahayn caafimaadka xoolaha waxaanu dalkoodhan ka hir galin lahayn goobo kala duwan oo lagu daryeelo caafimaadka xoolaha waxaanu hirgalin lahayn barnaamijyo faro badan oo lagu dhiiri galiyo dadka xoolo dhaqatada ah kuwaas oo sabab u noqda iney dadku xoolaha dhaqdaan jeclaadaana.

3::::Lasoo bixida khayraadka bada wuxuu noqon lahaa barnaamij dalku uu ka yeesho qorshe balaadhan oo Isuguna jira in dadka lagu wacyi galiyo in dadku ay lasoo baxaan khayraadka bada iyo in cidii diyaar u ah ay dowladu siiso taageero hiil iyo hooba leh..

4::::barnaamijka beero dalkaaga dadkaagana gaajada ka badbaadi isna waxuu ka mid Noqon Lahaa barnaamijyada uu dalku ka yeesho qorsheyaasha  xeesha dheer
Qorsheyaashaasna waxaa ka mid noqon lahaa
(1)”samaynta biyo xidheeno waa wayn
(2)”maadaama dalku ay xasilooni iyo nabad galyo ka jirto dagaalna aanu ka jirin waxaa qayb libaaxle ka qaadan lahaa oo hormuud ka Noqon Lahaa ciidamada kala duwan ee dalka barnaamijka beero dalkaaga dadkaagana gaajada ka badbaadi……

5::::maandooriyaha qaadku maadaama ay adag tahay in la joojiyo waxaa uu noqon lahaa waxa dalka soo gala waxa ugu cashuurta qaalisan tusaale ahaan hadii tobanka kiilo ee maandooriyaha qaadka lagu cashuuri jirey 2dollar waxanu Ku cashuuri doonaa 8dollar..

6:::waxkaste oo wadanka laga heli karo laakiin hada Dibada laga keenaa waxaanu Saari doonaa labada sanee ugu horeeya markaanu talada dalka qabano cashuur xad dhaaf ah waxii intaa ka danbeeyana waanu joojin doonaa guud ahaan tood..

7::::Qabyaalada waxaanu la gali doona dagaal ba,an waxaanan marka ugu horeysaba ka codsan lahayn baarlamaanka dalka in la soo saaro sharci adag oo lagula dagaalamayo Qabyaalada iyo xeerar qeexaya qofkasta oo lagu helo fal qabyaaladeed uu mudan karo ciqaab adag oo u dhiganta dambiyada xabsiga lagu muteysto xabsiga ilaa heerka tobanka sano ah..

8::::dhaqanka hayb-sooca iyo faquuqa dadka nooc kasta oo ay tahay waxaa iyadana sidoo kale ka codsan lahayn marka ugu horeysaba baarlamaanka dalka in ay Si dagdag ah u  dajiyaan  sharci lagula dagaalamayo dhaqankaas foosha xun iyo xeerar qeexaya qofkaste oo lagu helo in uu ku kacay fal haybsooc nimaa in uu mutaysto ciqaab adag oo u dhiganta danbiyada xabsiga lagu galo ilaa heerka labaatanka sano ah.

Lasoco qaybaha danbe ee barnaamijka sidoo kalena la ha moogaan barnaamijka SOMALIYA hadaan madaxwayne ka Noqon lahaa.

WAA TILMAAMIHII TALADII IYO TOOSINTII SHACABKA EE.
Gudoomiyaha Ururka Cadaalada iyo Sinaanta Soomaaliyeed ee SIME Ahna Qoraha barnaamijka Qalinka Nabada Soomaaliyeed..

Sultan Abdikariim Farah (Dulmi DIID)

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE