War Culus :Dhageyso Suldaan Axmidey Suldaan Maxamed Cali Bolol “Waxaan Si Buuxda U Cadeenayaa In Aan Ibraahim Cali Xaaji Kala Soo Noqday Wakiilnimadii Uu Sheegan Jirey”

Suldaan Axmidey Suldaan Maxamed Cali (Bolol) Suldaanka Beesha Biimaal ayaa markale soo saaray war uu kaga hadlaayo Jagada laga taabsaday Ee Saldanada Beesha Biimaal.

Suldaan Axmidey oo mar dhow la hadlay Idaacada Danan ayaa Beel-weynta Biimaal iyo Adeerkooda u sheegay in Ibrhaaim Cali Xaaji uu kala soo laabtay warqadii uu ku sheegan jirey inuu yahay wakiilka Suldaan Axmidey.

Suldaan Bolol wuxuu sheegay in xilligii laga taabsanayey jagada uu ka dhaxlay aabihiis in uu ku sugnaa magaalada Marka islamarkaana dalka uu kala go’doonsanaa saasna ay ku dhacday in banaan cidla ah laga qaato jagada Saldanada Beesha oo xarunteeda ugu weyn ay ku taalo Magaala Madaxda Gobolka Shabeelada hoose.

Waxaan dhawaan soo gudbin doonnaa Warqada uu qortay Ibraahim Cali Xaaji ee uu ku sheeganaayi inuu yahay Wakiilka Suldaan Axmidey.

13084247_1000746743343933_1191207844_n
Suldaan Axmed Suldaan Maxamed Cali (Bolol)

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE