Xaflad SooDhaweyn Ah Oo Magaalada Boosaaso Xalay Loogu Qabtay Wafood Heer Caalami (Sawiro)

Magaalada Boosaaso waxa xalay lagu qabtay xaflada ballaaran oo lagu soo dhaweenayey wafuud Caalmai ah oo shalay ka degtay Garuunka Magaaladaas.

Wefdigan ayaa u taga Puntland in ay ka qayb qaataan daah furka dhismaha wejiga labaad ee garoonka diyaaradaha Bosaso oo maanta Isniin ah la dhagax dhigaayo.

Waftiga ayaa waxa kamid ahaa danjiraha dawladda Talyaaniga u fadhiya dalka Soomaaliya Ambassador Fabrizio Mercelli, xog-hayaha guud ee urur goboleedka IGAD Ambassador Maxbuub Macallin, Wasiirka Duulista hawada dawladda Federaalka Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jaangeli, wakiilka urur goboleedka IGAD ee Soomaaliya Ambassador Maxamed Cabdi Afey, Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Jamaal Xassan iyo saraakiil ka socdey hay’addda UNOPS.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku tilmaamay munaasabaddaasi mid lagu soo dhoweynayo isla markaana lagu muujinayo maamuuska ay dawladda Puntland iyo shacabkeedu u hayaan dawladda Talyaaniga oo doorweyn ka qaadatay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland iyo urur goboleedka IGAD oo wakiil uga ah dawladda Talyaaniga dhaqaalaha ku baxaya dhammaystirka wejiga labaad ee garoonka Boosaaso.

IMG_7000-1 IMG_7004-1 IMG_7017-1 IMG_7096-1 IMG_7139-1 IMG_7145-1 IMG_7158-1 IMG_6990-1

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE