Garyaqaankii guud ee SOMALILAND oo loo magacaabay Gudoomiyaha maxkamada sare ee SOMALIYA Sidee labadaa Arimood isu qabanayaan – W/Q: Sultan Abdikariim Farah (DULMI DIID)

Sidaan arkayeyba dad  badan oo kala duwan ayaa arintaa saas ka qaaday………………………………

Bal hadaba aan idinla wadaago dhowr Arimood Oo laga yaabo in aydaan xusuusneyn………………..……

(1)”qodob Ku jira dastuurka SOMALIYA ilaa 1960 waxuu dhigayaa in qofkastoo somaliyii SOMALIYA xil uu ka qaban karo Shanta SOMALIYEED meeshuu Doono haka soo jeedee

(2)”SOMALIYA waxaa ka jira hada nidaamka loo yiqaano 4.5 kaasoo u qaybinaya umada Somalida qabaa,il ka kooban afar meelood iyo badh afartaa mid ka mid ahina waa qoomiyada direed oo Ku dhaqan dhamaan qaybaha Shanta somaliyeed sida
JABUUTI
DOWLAD Deegaanka Somalida Ethiopia (DDSI)
SOMALILAND
SOMALIYA
SOMALIDA WAQOOYI BARI KENYA (NFD) waana beesha uu kasoo jeedo Gudoomiyaha maxkamada sare Mudane Ibrahim Iidle Saleebaan

(3)”xeer ilaaliyaha guud ee JAMHUURIYADA SOMALIYA wuxuu ahaa sarkaal hore uga tirsanaa bahda garsoorka dowlad Deegaanka Somalida Ethiopia (DDSI) maantana waa xeer ilaaliyaha guud ee JAMHUURIYADA SOMALIYA………………….……..

Hadaba anigoo daliishanaya dhamaan arimaha kor Ku xusan waxaan qabaa inaan magacaabista garyaqaankii guud  ee hore ee JAMHUURIYADA Somaliland  hada loo magacaabay Gudoomiyaha maxkamada sare ee JAMHUURIYADA SOMALIYA in aanu ahayn arin fajac iyo amakaag Ku Noqon karta Umadda Somalida sida dad faro badani hada u dhigayaan…………………………

Dardaaran Gudoomiyaha cusub

waxaan kula dardaarmayaa gudoomiyaha maxkamada sare Mudane Ibrahim Iidle Saleebaan in uu intuu xafiiskaa loo magacaabay joogo ugu shaqeeyo Umadda SOMALIYEED Cadaalad iyo xaqsoor siman…………………….……..

WAA TILMAAMIHII TALADII IYO TOOSINTII SHACABKA EE……………………….…..

Gdoomiyaha Ururka Cadaalada iyo Sinaanta Soomaaliyeed ee SIME Ahna Qoraha barnaamijka Qalinka Nabada Soomaaliyeed…………………..

W/Q Sultan Abdikariim Farah (Dulmi DIID)

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran