Qaybtii 1-Aad Hadaan Somaaliya Madaxwayne ka noqon lahaa arimaha ugu horeeya ee aan Xooga Saari Lahaa W/Q Sultan Abdikariim Farah DULMI DIID

Qaybtii 1-Aad Hadaan Somaaliya Madaxwayne ka noqon lahaa arimaha ugu horeeya ee aan Xooga Saari Lahaa
W/Q Sultan Abdikariim Farah DULMI DIID……………………..….

(1)”waxaan Umadda Soomaaliyeed u qaban lahaa shir dib u heshiisiin dhab ah kaasoo Si xeel dheeri ah loogu lafo gurayo dhibaatooyinkii soo dhex marey dadka Somalida lagana heshiinayo

(2)”Umadda somaliyeed markay heshiiso ka bacdi waxaan la iman lahaa qorshihii lagu qori lahaa dastuur waafaqsan danta  Dalka iyo danta dadka
Waafaqsana diinta islaamka iyo dhaqanka Somalida

(3)”lixda bilood ee uugu horeeyaba waxaanu la iman lahayn qorshe guud ahaantii meesha ka saaraya nidaamka loo yiqaano federalka oo ah mid aan ka turjumaynin maslaxada umada Somalida kuna salaysneyn dhaqankeena iyo diinta islaamka

(4)”nidaamka 4.5 Ku muu noqdeen mid mar danbe awood qaybsiga SOMALIYA lagu jaan gooyo waxuuse noqon lahaa wax la xaaraan tinimeeyey oo wadanka laga mamnuucay sheeg sheegiisa

(5)”manaxayaasha Al shaydaan (Al shabaab) waxaanu la gali lahayn dagaal uu shacabka Soomaaliyeed hogaaminayo waxaananu kaga daba gali lahayn xataa haday galaan dhulka hoostiisa anagoo adeegsanayna awooda shacbiga somaliyeed dhalin yaro iyo waayeel rag iyo dumarba

(6)”halka sano ee ugu horeeya mudada aanu xilka qabano waxaanu wadanka ka Saari lahayn dhamaan ciidamada ka socda wadamada shisheeye Waxaana badali lahaa ciidamo Soomaaliyeed oo haba tiro yaraadaane laakiin tayo leh kuna howl galaya dareen wadaniyadeed iyo damiir somalinimo wadanka diida inuu somaliya kala baxo ciidamadiisa markaanu Ku dhawaaqno ka bacdi waxaanu u  aqoonsaneynaa wadan dagaal kusoo qaadey soomaaliya waxaanu markaa ula dhaqmi doonaa sida dunidu ula dhaqanto wadan wadan kale dagaal kusoo qaadey

(7)”Qabyaalada waxaanu la gali doona dagaal ba,an waxaanan marka ugu horeysaba ka codsan lahayn baarlamaanka dalka in la soo saaro sharci adag oo lagula dagaalamayo Qabyaalada iyo xeerar qeexaya qofkasta oo lagu helo fal qabyaaladeed uu mudan karo ciqaab adag oo u dhiganta dambiyada xabsiga lagu muteysto xabsiga ilaa heerka tobanka sano ah

(8)”dhaqanka hayb-sooca iyo faquuqa dadka nooc kasta oo ay tahay waxaa iyadana sidoo kale ka codsan lahayn marka ugu horeysaba baarlamaanka dalka in ay Si dagdag ah u  dajiyaan  sharci lagula dagaalamayo dhaqankaas foosha xun iyo xeerar qeexaya qofkaste oo lagu helo in uu ku kacay fal haybsooc nimaa in uu mutaysto ciqaab adag oo u dhiganta danbiyada xabsiga lagu galo ilaa heerka labaatanka sano ah

(9)”Dhibaatada ka jirta Gobolka shabeelada hoose oo aynu ognahay wixii ugu danbeeyey ee ka dhacay ay ahayd dad nolosha lagu gubay oo waliba dumar iyo caruur ahaa waxay ka mid noqon lahayd waxa ugu horeeya ee aanu xalino markaanu talada dalka la wareegno waxaananu u saari lahayn gudi heer Qaran ah oo baadhitaano Ku sameeya dhibaatooyinka halkaa ka jira Waxaana sharciga la horkeeni lahaa qof kaste oo lagu helo in uu dambi galay,
dib u heshiisiini waxay noqon lahayd dariiqa Kaliya ee loo maro in xal waara laga gaadho khilaafaadka gobolkaa ka jira……………………..………..

Lasoco barnaamijka Qaybihiisa Dambe Lana wadaag asxaabtaada……………….…….

WAA TILMAAMIHII TALADII IYO TOOSINTII SHACABKA EE……………………….…………

Gudoomiyaha Ururka Cadaalada iyo Sinaanta Soomaaliyeed ee SIME Ahna Qoraha barnaamijka Qalinka Nabada Soomaaliyeed…………………..

W/Q Sultan Abdikariim Farah (DULMI DIID)

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE