Tacsi: Ibraahim Xuseen Beegsi (Dagaal) Oo Ku Geeriyooday Degmada Gaashaamo

Inaalilaahi wa inaa ilayhi raajicuun geeridu waa xaq ilaahay xagiisaynu ka nimid ilaahay xagiisana waa loo wada noqonayaa Allaah SWT naxariistii janno haka waraabiyo dambigiisiina ha dhaafo samir iyo iimaan saadaq ahna alle ha naga siiyo anagoo ehelkiisii ah iyo Umadda Soomaaliyeedba awoowgay Ibraahim Xuseen Beegsi (Dagaal) oo maanta Ku Geeriyoodey magaalada RAQDA  oo ka tirsan degmada GAASHAMO Bari ee dowlad Deegaanka Somalida Ethiopia awoowgay

waxaan Ku xusuustaa wuxuu ahaa adoon ilaahay oo naxariis badan.

waxu ahaa adoon ilaahay oo waxii alle siiyey umada wax ka siiya.

waxuu ahaa adoon ilaahay oo umadiisu ka nabad gasho oo aan is leeyahay cidina odhan mayso maalin buu wax iigu sameeyey.

waxuu ahaa adoon ilaahay oocibaado badan  aniga awoowgay uun muu ahayn laakiin waxaan ka mid ahaa raga ay ragiisu dhaleen kuwa ay ugu saaxiibsan yihiin.

waxaanan waligay iloobi doonin dabeecadihiisii wanaagsanaa ee waalid nimo iyo siduu iila sheekaysan jirey markaan saqiirka ahaa.

Waxaanan waligay iloobi doonin dardaarankiisii wanaagsanaa ee islaamnimadu iyo somalinimadu salka u ahayd.

Inaalilaahi wa inaa ilayhi raajicuun ilaahay naxariistii janno haka waraabiyo dambigiisana ha dhaafo su,aalaha qabrigana ha u fududeeyo qabrigana alle SWT ha u nuuriyo

Awoowo geeridaada waan ka murugooneynaa waase Ku samraynaa illaah SWT qadartiisa

Umada islaamka ahna waxaan ka codsanayaa in ay iigu soo duceeyaan awoowgay ahaa qof islaam ah oo wanaagsan

Innaalilaahi wa innaa ilayhi raajicuun

Sultan Abdikariim Farah DULMI DIID

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE