Barnaamijkii Somaliland hadaan madaxwayne ka noqon lahaa iyo Qaybtii 3-aad W/Q Sultan Abdikariim Farah DULMI DIID

Arimaha aynu Xooga Saari lahayn…………………………….

(1)-Barnaamijka carbiska qaranka waxuu noqon lahaa barnaamij Loola dan leeyahay inla tayeeyo ciidamada kala duwan ee dalka iyo difaaca qaranka waxaanu hirgalin lahayn dugsi cusub oo qaabilsan tababarada ciidamada kaas oo ah mid aad u qalabaysan una dayac tiran kana kooban ugu yaraan  cabirka dhulka saddex killo mitir square dugsigaas wuxuu noqon lahaa dugsi ay dhamaan soo maraan shaqalaha dowlada  gaar ahaan inta da,doodu ka hoosayso 35 jirka kuna qaataan  tababaro la xidhiidha khibrada Dagaalka iyo farsamada gacanta  sidoo kale dhamaan ardeyda dhamaysata dugsiyada sare waxay dowladu Ku dhiiri galin lahayd in ay soomaraan dugsiga tababarka iyadoo markaste dowladu fursadaha shaqo horsiin lahayd ardeyga soo dhamaysta dugsiga tababarka shaqadana uu ka hor heli lahaa ardeyga aan soo Marin dugsiga tababarka.

Sidoo kale jaamacadaha dowladu gacanta Ku haysaa mayna qaateen ardey aan soomarin dugsiga tababarka iyo barnaamijka carbiska qaranka.

(2)-Anagoo u mareyna dariiqyada sharciga waxaanu la iman lahayn qorshe loogu rarayo caasimada JSL xarunta gobolka SANAAG ee Ceerigaabo oo aan aaminsanahay markii aan dhinacyo badan ka eegay meesha ugu haboon ee SOMALILAND caasimad u noqon karta.

(3)-Iyadoo aanu u mareyno dariiqa sharciga waxaanu dastuurka Somaliland Si cad ugu qeexi lahayn inuu yahay somalilander qofkaste oo Somali ah isla markaana aaminsan qaranimada iyo jiritaanka Somaliland raacayana sharciga iyo qawaaninta dalka u yaala.

(4)-Anagoo umareyna dariiqa sharciga ah waxaanu caasimada labaad ee JSL u rari lahayn xarunta Gobolka Awdal ee Boorame.

(5)-Afarta taliye Ciidan ee dalka ugu sareeya iyadoo mar walba  lagu dooranayo aqoontooda khibradooda iyo kartidooda hadana marqudha mayna noqdeen laba ka midii isku reer sida maanta jirta mana dhacdeen inuu reer  si gaar ah isu siiyo hogaanka Ciidan ka mid ah ciidamada dalka
Taliyeyaasha ciidamadu waxay ka iman lahaayeen Gobolada dalka oo dhan si loo xaqiijiyo awood qaybsiga shacbiga reer Somaliland………………..……..

Fiiro Gaar ah
Hadaad taageersantahay barnaamijkaan dalka Ku xukumilahaa
Fadlan share gare maqaalkaan una sii gudbi asxaabtaada hoosna kusoo qor qodobada aadka kuusoo jiitey numberkooda

Sidoo kale hadaad diidantahay barnaamijkaan dalka ku xukumilahaa hoos Ku lifaaq fikirkaaga………………..……….

WAA TILMAAMIHII TALADII IYO TOOSINTII SHACABKA EE……………………….…………

Gudoomiyaha Ururka Cadaalada iyo Sinaanta Soomaaliyeed ee SIME Ahna Qoraha barnaamijka Qalinka Nabada Soomaaliyeed…………………..

W/Q Sultan Abdikariim Farah (DULMI DIID)

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE