Dagaalka Daba Dheeraaday Ma’danaa Ku Jirta Mise Waa Dadaal Xumo (Faalo)

Ujeedaka Faaladaan ma ahan hana iga sugin Wixii ka dhacay Soomaaliya laga soo bilaabo 1991 xiligii uu bur buray kala danbeyntii Soomaaliya markii ay dhacday Dowladdii Kacaanka, Dowladda iyo shabaabna sheekada ka saar waayo sheeg sheegooda mudo ayay socotaa “war laqabaa xiiso malahan” Soomaali ayaa ku maahmaahday.

Geediga faalada waxay ku wajahan tahay dagaalka daba dheeraaday ee shababeelada hoose ee u dhaxeeya Qabaa,ilka Soomaaliyeed ee ku dhowaad 4-ta sano isku haysta deegaan iyo deganaashaha dhuleed.

Sanadii 2013 ayaa waxaa dagaalka xoogiisa uu ka bilowday degmada Nambar konton, iyo Ceelwareegow, waxaana uu markii danbe uu gaaray Magaala madxada gobolkaas ee marka.

Waxaa ku geeriyooday Wiilal, waayeelo caruur iyo haween oo ay iska dileen dhinacyada wali is haysta, Barakac bur bur iyo in carada xoogowdo uunbaa laga dhaxlay waxa wali ka socda shabeelada hoose.

Dhinacyada isu caaboon waxa ay islaayaanba waxaa markii danbe timid in qola kasta dhankeeda xoogii dagaalka u istaajisay waa almahadii hadiiba dagaal isdaba jog ah jirin in kastoo mar mar gaadmo isku laayaan.
Ficilada soo baxay ayaa waxay noqotay in bartamihii bishii dhamaatay ee Apriil habeen duleedka shalambood lagu laayay lix caruur ah oo kan ugu daweyn uu ahaa 6 sano jir kan ugu yarna uu ahaa libilood iyo ayaydood oo da aada 70 sanajir ku jiratay.

Wixii la soo maray ee soomaaliya qabiil isku layso waa markii ugu horaysay qabiil maleeshiyaadkooda ay u bareeraan in ay laayaan maatada ama dadka la yiraahdo birmageydo.

Sheekada markiiba soo baxday ayaa waxay ahayd in dhinicii wax laayay ay soo weriyaan in birmageydo laga laayay iyagoo ujeedkooda uu ahaa in ay daboolaan falkii foosha xumaa ee ay sameeyeen.

Ma cusba in qabiil ay isku qabsadaan ceel biyood, dhul daaqsin iyo deegaanka oo lagu noolaado, Tani way ka duwan tahay waxa la isku haysto waa dhulbeereed ku teedsan dhul badan oo ku yaala shabeelada hoose oo ay isticmaali jireen gumestihii Talyaaniga iyo cida iska leh maamulka Gobolka.

In yar hadii aan iftiimiyo dhulkaas iyo qaabka uu ku yimid,1900 waxaa dagaal xoog leh dhaxmaray qoomiyada Biimaalka iyo ciidankii Talyaaniga mudo dheer ayuu qaatay dagaalkaas waa mida dood badan kala dhalatay in dhinacyada dagaalka ka dhaxeeya dhinac ka mid ah la yiraahdo waxa aad wadaa waa gardaro waayo halkee yay ku maqnaayeen markii dagaalka Talyaaniga uu socday.

Markii xaaladaan oo kale ay timaado yaa looga baahanyahay xalantiisa waayo cida looga baahan yahay su,aashaas jawaabteeda Dabcan waa lagaran karaa hadiiba markaas nidaab sax ah ee kala haga shacabka laheli karo.

Way cadahay in Dowladda hada jirta isku fiirsatay dagaalka dhiigabadan ku daatay ee shabeelada hoose waxaana la sheegaa in dowlada madaxdeeda qaar ay garab yihiin oo ay lajiraanba dhinackale.

Waxaa la xasuustaa in bilowgii dagaalka qalabka loo adeegsaday ay leedahay dowlada hada jirta, Saraakiil gaadiid dhamaan ay ka muuqato astaanta dowladeed ayaa dagaalka mudo ku jiray in kastoo markii danbe ay ka xuub siibteen inta aqligooda uu shaqeeyay.
Dadaal xumo majirtee waxaa muuqata in dano gaar ah laga leeyahay danta gaar ahaaneed ayaa waxay tahay in dad ka yimid dhul dhagax ah oo oo mana ah lagu beero dhulka barwaaqadiisa sareeyo.

Cidana ma aqbaleyso in lama degaan ku noolaato waxayna is tusiyeen qabiilka ka yimid dhulka dhagaxa ah in ay xoogaan walaalahood nasiibkooda ilaahay ka dhigay dhul barwaaqo ah.

Iyagoo lagu xanto in ay u badan yihiin saraakiisha dowlada, xafiisyada dowlada iyo gaadiidka lagu howl galo,Dhulka sidiisaba cisna lahaan shihiis masheegan karto laakiin deganaashi hiisa ayaa lagu soo kala horeeyay waa taas mida lahaan sha ah layiraahdo.

Gebo gebo

Dagaalka daba dheeraaday Ma’danaa ku jirta mise waa dadaal xumo Dabcan danta laga leeyahay waa soo xusnay.

Mahadsanadiin.

W /Q/ faaladaan Weriye Faarax Ibraahim Yacquub

Gumeysidiid5@gmail.com

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE