Ibraahim Cabdulaahi Cadow Oo Heshiis Hoosaad Lagu Dhameenayo Muranka Saldanada Beesha Biimaal La Galay Suldaan Axmide Suldaan Maxamed Cali (Bolol)

Sida ay tilmaameyso warbixin laga helay dalka dibadiisa, qurba joogta Beesha Biimaal ayaa wada dadaal ay isugu soo dhaweenayaan Suldaan Axmed Suldaan Maxamed Cali (Bolol) iyo aqoonyahaan Ibraahim Cabdulaahi Cadow oo dhamaadkii sanadii tagtay lagu Caleema saaray Shabeelada hoose.

Ibrhaaim oo berigaasi sheegay in uu u shaqeenayo Beesha marba hadii lagu tumanayo Masiirka iyadoo markaas la sheeganayo magaca Suldaanka Beesha Biimaal ayaa hada xoogaa kasoo dabcay mowqifkii uu ka joogay in uu sii ahaado shakhsigii lagu caleema saaray Degmada Raaxoole.

Sida warbixinta ay tilmaameyso talo sov jeedin ay u sameeyeen Jaaliyada Beesha Biimaal Ibrhaaim Cabdulaahi Cadow ayaa waxa ay kaliftay in tanaasulaad uu sameeyo Aqoonyahan Cadow, waxaana xiriir qadka Mobilka wada qaatay Suldaan Axmidey iyo Cadow oo isla meel dhigay ka wada shaqeynta arimaha Masiiriga ah iyadoo la saxayo qaladaadkii horey u dhacay.

Ibraahim Cabdulaahi Cadow ayaa la tilmaamay in uu gareystay in waqti xaadirkan la joogo loo baahanyahay in la badbaadiyo Mustaqbalka Beesha Biimaal oo afartii sano ee lasoo dhaafay ku jirey jahwareer ka dib markii kooxo Maafiya ah ay qorteen warqad ay ku sheegayaan in iyaga ay yihiin dadka looga dambeeyo shaqada dhaqanka iyo arimaha siyaasada ee Beesha ay iska leedahay.

Hormuudka Jaaliyada oo aan ka gaabsanay magacyadooda in aan soo bandhigno ayaa ku guuleystay in Suldaan Axmidey Suldaan Maxamed Cali (Bolol) ay hoos keenaan dhamaan dadkii qabay in loo baahanyahay isbedel la taaban karo oo lagu soo celinayo sumcada Beesha oo sanadihii tagay lagu bahdilay goobo ay maamulaan mooryaan iyo maafiyo isku kooxda ahaa.

Suldaan Axmide Suldaan Maxamed Cali (Bolol) ayaa hada wajahaya culeyskii ugu dambeeyey ee uu xidida uu ugu siibayo Ibraahim Cali Xaaji oo markaan ku jira waayihiisii ugu dambeeyey ee ku qaraabashada wakiilnimada Suldaanka Beesha Biimaal.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran