18 MAY Maalintii Qaranimada SOMALILAND oo Kaliya Maaha …W/Q Sultan Abdikariim Farah (DULMI DIID)

18 may maalintii qaranimada SOMALILAND oo Kaliya maaha laakiin sidoo kale waa maalintii badbaadada dhiiga shacbiga reer SOMALILAND iyo ibo furkii mustaqbalka shacbiga reer SOMALILAND………………..….

Arimaha lagu mahadiyey go,aankii la qaatey 1991-18-may

waxay maalintani ka badbaadisay shacbiga reer SOMALILAND dagaalkii ba,anaa ee dadka badani Ku dhinteen 1993 oo uu hogaaminayey wadanka  mareykanka dhowr iyo sodon dowladood oo caalamka ka socdaana ay qayb ka ahaayeen………………….………

18may shacbiga reer SOMALILAND waxay kaga badbadeen dagaalkii ba,anaa ee dhexmarey maxaakiimtii islaamka iyo ciidamada wadanka Ethiopia taariikhdu markay ahayd dhamaadka sanadkii 2006, 2007 iyo 2008……………………..…………

18 may shacbiga reer SOMALILAND waxay kaga badbaadeen gumaadka iyo dhibaatooyinka aan kala go,a lahayn ee ay ku hayaan kooxaha manaxayaasha Al shaydaan shacbiga Soomaaliyeed ee dagan Gobolada koonfureed ee SOMALIYA………………….…….

Guulaha lagu gaadhay go,aankii la qaatey 18-may-1991

(1)::Nabad galyo iyo Xasilooni
Marka la barbar dhigo wadamo badan oo caalamka ah heerkeedu aad u sareeyo iyadoo dadyoowga amniga duniga kafaaloodaana ay Ku tilmaamaan meelaha ugu nabad galyada fiican SOMALILAND………………..…..

(2)::Dhisida nidaam dowladeed oo seeska u dhigay maamul wanaag iyo horumarin umadeed oo dhinac walba leh
Taaba galiyeyna dhamaan adeegyada aas,aasiga ah ee umadi u baahan tahay
Sida,…………………….………..

1-garsoor wanaagsan oo leh kartidii in uu umad u xaqsoori karo

2-fulinta adeeg waxbarasho oo gaadhsiisan dugsiga hoose ilaa heer jaamacadeed iyadoo waxbarashada iskuulada dowladu bilaash tahay dugsiga hoose ilaa dugsiga sare SOMALILAND dhamaanteed

3- hirgalinta ciidamo kala duwan oo hanan kara Amniga gudaha iyo difaaca xuduudaha SOMALILAND oo dhan isla markaana u qalabaysan oo u tabo baran si waafaqsan dhishbiliinka ciidamada iyo hanaanka dowladnimo

4- hirgalinta siyaasad dhaqaale oo marba marka kasii dambaysa sii kobcaysa iyadoo la xakameeyey dhamaan in ay wadanka soo galaan lacago foojari ahi Lana abuurey
Lacag wadanku leeyahay oo jaan goyn teedu Ku xidhan tahay bank dhexe ee SOMALILAND.

5-hirgalinta nidaam dimuqraadiyadeed oo u saamaxaya qofkaste oo somalilander ah in uu wax dooran karo Lana dooran karo iyadoo Somaliland hirgalisay nidaamka xusbiyada badan tartan xor ah iyo gudi doorasho oo dhexdhexaad ah……………………….……………

Talo soo Jeedin
Waxaan hadaba  ugu baaqayaa qofkaste oo somalilander ah gude joog iyo qurbo joogba in uu wayneeyo maalintan qiimaha leh loona muujiyo shuur wadaniyadeed  iyo dareen gooni ah……………………….…………….

waxaan sidoo kale qofkaste oo Somali ah xitaa hadii aanu ahayn somalilander Ku dhiiri galinayaa in uu wayneeyo maalintan qiimaha leh oo badbaadisay qayb dhan oo ka mid ah qaybihii Somalida………………….……….

Fiiro Gaar ah
Waxaan aad iyo aad u bogaadinayaa ragii taladeeda lahaa maalintan qiimaha leh somalilandna salka u dhigay kuwaas oo Isugu jira aqoon yahan madaxwayneyaal talada dalka soo marey madax dhaqameed haween wax garad iyo dhamaan qaybaha bulshada reer SOMALILAND
Intii dhimateyna waxaan leeyahay alle ha u naxariisto………………..………..

Waxaa sidoo kale xusid mudan in shacab waynaha reer Awdal ay horseed u yihiin horumarka kala duwan ee ay gaadhay Somaliland marwalbana ay mudan yihiin in lagu bogaadiyo laguna hambalyeeyo hormuudkii ay ka ahaayeen nabada iyo qaranimada SOMALILAND………………..…..

Sidii caadada inoo ahayd balanteenu waa baabiinta dhaqanka xun ee hayb-sooca Aafada Qabyaalada dulmiga iyo xaqdarada gayiga Somalida ka jira……………………..…………

WAA TILMAAMIHII TALADII IYO TOOSINTII SHACABKA EE……………………….…………

Gudoomiyaha Ururka Cadaalada iyo Sinaanta Soomaaliyeed ee SIME Ahna Qoraha barnaamijka Qalinka Nabada Soomaaliyeed…………………..

W/Q Sultan Abdikariim Farah (DULMI DIID)

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE