Cuqubada Halkii Lagu Galay Cawo Ku Hurudaaye Caruurtaay Ka Laysaa Ninkii Caano Baas Dhamaye – W/Q Sultan Abdikariim Farah DULMI DIID

Cuqubada Halkii Lagu Galay Cawo Ku Hurudaaye Caruurtaay Ka Laysaa Ninkii Caano Baas Dhamaye (Abwaan Cabdi Gahayr) – W/Q Sultan Abdikariim Farah DULMI DIID……………………..……….

Qofka sodon jirkaa somaaligaa ee maanta jira kama murugaysna mustaqbal la,aantisii hore iyo dowlad la,aantisii hore ee wadankiisu soo marey, Waxaase uu ka warwarsan yahay sida uu mustaqbalkiisu noqon doono inta noloshiisa ka hadhay waliba waxuu aad uga sii warwarayaa mustaqbalka ubadkiisa iyo ubadkiisu ubadkay dhali doonaan oo aanay maanta u muuqan rajo fiican iyo tacab wanaagsan oo Somalida maanta joogtaa uga tagayso…………………..

Hadaba masiibooyinka ugu waynwayn ee Ku noqodey lafdhuun gashay mustaqbalkii Somalida iyo dowladnimadii isla markaana u diidey in ay somalidu talaabo qudha u qaadaan dhinicii wanaagsanaa caqabadana Ku noqdey arimaha ay ka midka yihiin……………………

(1) Wadajirka umada Somalida

(2) Wadani nimadii looga baahnaa Umadda Somalida

(3) is Aamin

(4) Horumar dhaqaale

(5) Horumar siyaasadeed

(6) Taabo galinta awood milatari IWM…………………….

Waa Aafada Qabyaalada dhaqanka xun ee hayb-sooca dulmiga iyo xaqdarada gayiga Somalida ka jira……………………..……………..

Aafada qabyaalada iyo Dulmiga iyo xaqdarada waa mushkilado  caam ah oo dadka Somalida oo dhan haysta
Balse Dhaqanka xun ee hayb-soocu waxa uu Ku kaliyeystey  noloshoodiina curyaamiyey walaalaha Soomaaliyeed ee kala ah #JAREER WAYNE #BANAADIRI IYO #GABOOYE Oo aynu ognahay in ay kala kulmaan bulshada Somalida tacadi Gaar Ah sida,

#Dhac
#Dil
#Faquuq iyo xadgudubyo tiro badan oo ka dhan ah xuquuqda aadamaha………………….

Fiiro Gaar Ah
Waxaan leeyahay Rag Cadaalad waayaa sidii cawsha kala yaac……………………..………..

Sidii caadada inoo ahayd balanteenu waa baabiinta dhaqanka xun ee hayb-sooca Aafada Qabyaalada dulmiga iyo xaqdarada ka jira gayiga Somalida………………….………

Fadlan la wadaag fariintaan walaalaha Soomaaliyeed fikir kaagana ka dhiibo
(plz share)……………………….

WAA TILMAAMIHII TALADII IYO TOOSINTII SHACABKA EE……………………….…………

Gudoomiyaha Ururka Cadaalada iyo Sinaanta Soomaaliyeed ee SIME Ahna Qoraha barnaamijka Qalinka Nabada Soomaaliyeed…………………..

W/Q Sultan Abdikariim Farah (DULMI DIID)

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE