HOGAAMIYAHA KOONFUR-GALBEED AQALKA-SARE MUXUU KU BADASHAY……..??

Maalmaha soo socda waxaa la ansixinayaa Qaabkii Doorasho,& Golayaasha( Kan Shacabka & midka Aqalka sare,waxaan ognahay in Heshiiskii Madashii wadatashiga ugu danbeeysay in lagu Heshiiyay,sidan:-

  • Punt-land Aqalka sare ama Odayaasha oo ah meesha ugu danbeeyso eey talada dalka masiirkiisa lagu go’aamin doono in ay ku yeelato sagaal&toban xubnood(19)

2-Hawiyee in aay ku yeeshaan sideed & Toban (18) Xubnood

3-Dir Tooban(10) Xubnood

4-Digil&Mirifle Sideed(8) Xubnood

5-Beesha shanaad Shan(5 )xubnood,

Waxaan ognahay in Madaxweynaha punt-land & juba-land aay Dhoowr jeer isaga baxeen fadhiyadii loogu arinsanaayay arimahaasi, iyagoo fiirinaayay danaha guud ee Dadyowga aay matalayaan,ilaa aay ka gaaraan Danahii ay lahaayeen, iyadoo waliba ay faadhigiisa ugu tageen beesha-caalamka.

Waxaa yaab & amakaag leh hogaamiyaha koonfur-galbaeed oo si indha la’aan ah,-wax walba u ogolaaday,isagoo aad moodid in uu Dad kala dhuumanaaya ayuu Masiirka Digil&Mirifle uu Dhaxal -beel ku riday.

Qowmiyadii usoo halgamaayay Nidaamka federaalka waqti aad u dheer, hadaba su’aasha koowaad waxeey tahay halgankii iyo Hamigii aay federaalka ka lahaayeen xaguu ku dhamaaday?su’aasheeyda xigta waxeey tahay hogaamiyaha koonfur-galbeed oo Foobiya(Phopia) ka qaba in aay ka soo ag dhawaadaan isaga & Maamulkiisa,Aqoonyahano,ayaa si Doqon-magarata ah,loo soo siiyay Sideeda(8) xubnood ee aan la garan karin waxa uu ku soo badashay qaabkee ayuu rabaa in uu ugu qeeybiyo ummada reer kooonfur-galbeed,ma Qaabka uu hada u dhisanyahay Maamulkiisa miyuu u qeeybin doono,sideeda(8)Xubnood mise,farsamo&Caqli kale ayaa ukeeydsan,miyaan is dhihi karnaa……? jawaabta waxaan u daayay Akhristayaasha sharafta badan,  hadii uu  uqeeybiyo qaabka Maamulkiisa uu hada udhisanyahay, Maxsuulka halkaasi ka soo baxaaya waxa uu noqonayaa sidaan:-

1- Mirifle Laba(2)Xubnood,oo kala qaadan doono Sideed& Sagaal.

2-Reer Aw-Digil isku-duub ,waxeey u helaayaan Hal(1) xubin, hadaba,hogaamiyaha koonfur-galbeed,muxuu  Digil&Mirifle & u

halgankoodii  Nidaamka federaalka u soo Hoohiyay  Guul,mise Guul-daro………?

Siyaasi,Dr.CALI CABDI BAABA

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE