Ibraahim Cali Xaaji Oo Xildhibaanada Iyo Wasiirka Jubbaland Ee Beesha Biimaal Ka Dhigtay Waxa Uu Ku Mashquuliyo Dadka Kasoo Hor Jeeda

Ma rabo qoraalkay in aan kusoo qaato sheekada muranka loo yeelay ee ku saabsan Saldanada Beesha Biimaal, laakiin waxa rabaa sax miyaa “waxaan keenay 11, Xildhibaan” oo ah sheeko la rabo in lagu mashquusliyo dadka raba in la saxo qaladaadkii horey u dhacay si loo helo midnimada Beesha oo cadaawad gaamurtay la kala dhax dhigay.

Laba Jeer ayaan Baraha Internetka ka dhageystay Sheeko uu soo duubay Ibraahim Cali Xaaji oo weli ku indha adeegyada lahaanshaha Saldanada Beesha Biimaal, waxa labada jeer hadaladiisa uu kusoo cel celiyey, waxaan Koonfur galbeed ka keenay “11 Xildhibaan iyo 3 wasiir”, Jubbooyinkana waxa laga keenay “3 xildhibaan iyo 1 wasiir”.

Waxay igu noqotay Sheeko Cusub, waxaan is iri malahan wuu ku saxanyahy in uu ku indha adeego jagada uu ina adeerkii ka taabsaday, hadana taasi waxay ii muujisay in indhaha ku jeeda uu ku jeedinayo meel kale si fursad uu u helo.

Marka hore waa run deeganada Shabeelada hoose ay ka degto Beesha Biimaal waxa ka dhul  iyo dad badan deegaanada Jubbooyinka oo Maamulka Axmed Madoobe laga helay seddax Xildhibaan iyo hal wasiir.

Koonfur galbeed markii Ibraahim iyo asxaabtiisa Gacma dheere uu ka mid ahaa ay qeybsanayeen tirada Xildhibaanada, waxay ku doodeen in ay matalayaan Beesha Direed, horta qabso in 13 Mudane lagu soo helay magaca Guud ee Beelweynta Direed sidaana laba xubnood oo gabdha ah oo kasoo kala jeeda Beelaha Sure iyo Baajamaal ay ku qaateen xildhibaanada halka 11 kale lagu siiyey Beesha Biimaal.

Wasiirada Koonfur galbeed ee Beesha Biimaal kaga soo aaday ayaa ah seddax Wasiir, seddax wasiir ku xigeen, iyo hal wasiiru dowle oo qaarkood markii la arkay magacyadooda ay ugu dambeysay bulshada, Akhriste waxaan ku weydiinaa weli ma aragtay hal wasiir oo fadhiya Xafiis Wasaaradeed oo khorshe iyo bajad bishii ama sanadkii ku shaqeenaya marka laga reebo Maxamed Xasan Faqe oo sanadiihii burburka ka midahaa Tuugada wax dhacda hadana dhacii uu bartay ku qaraaabanaya.

Wasiirada, ku xigeenada iyo Xildhibaanada Beesha Biimaal u matala KG waxa Xafiis u ah Inta u dhaxeysa Wadada Shaqaalaha ilaa Hotel Wardheer ee Muqdisho oo ay ku sugaan laba arin midkood in ay helaan shakhsi ay Ehel wadaag yihiin oo ka bixiya gaari raaca ama in ay arkaan Odeyga xilka uu ku dakaneeyey u magacabay oo ay isleeyihiin waxaad ka heli doontaa wax xoogaa ah hadii aad ku orodaan oo aad ku hadaaqdaan “Suldaan”.

Waa Mas’uul dhigiisa shaqeenaya kuna howlan hormarinta Beeshiisa halka kuwa uu ku faanayo Ibraahim ay usoo taaganyihiin luggooyada iyo kala irdheynta Beesha ay ku tageen magacooda oo ay xildhibaan ku noqdeen.

Ibraahim Cali Xaaji ma sheegan karo Mas’uuliyiin uu ku faani karo oo xil haaya oo sugidda amaankooda ku filan wax kale iska daayee. ma dhihi karno in ay joog joogaan goobaha lagu shaaxo dad jeclaan ayaa u geysay, sababtoo ah dhaqanka ay leeyihiin ee uu ku doortay Ibraahim ayaan ka dheregsannhay.

Waa tan labaad ee xigtee Shabeelada hoose dhulka xorta ah ee ay ku suganyihiin Ciidamada Amisom ma jiro dhul uu ku dhimanin Wiil Biimaal ah inta uu socday dagaalka Shabaab Gobolka looga saarayey.

Boqolaal Haween ayaa Asay u qaaday in Maamulka Koonfur galbeed calankiisa uu ka babado Shabeelada hoose, iyadoo laso maray ama ay adkeyd in shakhsi sheegta Koonfur galbeed ama Biimaal uu caga dhigto Gobolka oo laga xoreeyey Maafiyo Yahuuda ka daran oo markii laga adkaaday ka dib mudnaan ka helay Maamulka uu ku faanayo Ibraahim Cali Xaaji in uu wax ka keenay.

Way adkaan doontaa hadii si ka fiirsasha ah looga jawaabo Su’aasha ah, “Biimaal iyo Mooryaanta uu kula dagaalamay Shaeelada hoose yaa mudnaanta ka helay Maamulka Koonfur galbeed” waa ogyahay Ibraahim hadii uu cadaalad iyo axaadiista uu daliishanayo mararka qaarkood uu yaqaano camal falkooda.

Kala dooro seddax wasaaradood oo mid ka mid ah weligii aan laga maqlin ama lagu arkin xukuumad lasoo dhisay, iyo Wasiirka kaliya ee laga helay Jubbaland  “Maaliyada”:-

1-Wasiirka Beeraha

2-Wasiirka Diinta iyo Awqaafta

3-wasiirka Curyaamiinta iyo Badar bixinta, adbo si kale u dhigo

Sheeko xariir aan wanaagsaneyn ayaa jirtay ……………………….. warkana waa igu yeeri.

Aan Usoo laabto sheekada ah Jubbooyinka waxaa laga keenay Seddax xildhibaan.

Jubooyinka dhulka ugu badan ee ay degto Beesha Biimaal waa dhul ay gacanta ku haayaan Shabaab, oo aan xor aheyn oo lagu hadal qabsan Karin dhulka shabeelada hoose oo dhamaantooda siyaasiga ama aqoonyahaanka kasoo jeeda uu tagi karo meel wax lagu qeybsanayo.

Jubbooyinka dhulka ay beesha ka degto waa dhul weli aan laga xoreynin Shabaabka oo guud ahaan umada u siman la dagaalankeeda iyo kooxaha kale ee hunguryeenaya in laga soo doorto dhulkaas.

Maamulka Jubbaland waxa ku qadsan Beelo badan oo mudnaantii ay ku lahaayeen aan ka helin oo ay ugu horeyso Beesha Biimaal, maalinta la gaaro deegaanadooda ayey la imaan karaan wax ay ku gorgortamaan.

Halka Koonfur galbeed oo fadhigii lagu doortay dooranaha ragii ugu horeeyey ee fadhiistay ay ahaayeen Biimaal si loo helo Maamul Cadaalad ku dhisan oo ka fogeeya diban daabyada Hawiye iyo Calooshooda u shaqeystayaasha.

Ibraahim Baajuuni oo mar ku mgacaawnaa Wasiirka Warfaafinta waxa uu ka mid ahaa wasiirada ugu shaqada badan Maamulka Jubbaland, ka dib waxa loo dhiibay wasiirka Maaliyada oo ka mid ah wasaaradaha ugu shaqada iyo qorshaha badan dhamaan wasaaradaha la sheegto Mas’uuliyadooda.

Xildhibaanada seddaxd ah ee Maamulkaas ku matasha Biimaal, weli yaa arkay iyagoo ku sugan Laami lagu shaaxo ama shaxaad doon ku ah goobaha marinka u ah Suldaanka soo magacaabay, halka kuwa KG ay hal maalin u shir tagin hoolka Maamulkooda.

info@markanews.net
info@markacadey.com

 

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran