Waa Qaybtii u danbaysay, Shekadii TAHRIIBKA IYO TAHLUKADII AAN GALAY W.q Qareen/Khadar Aar

Akhris’tayaasha sharafta’leh dhamaantiin aad ayaan idiin Salamayaa aniga oo idin leh SCWW ,intiinii sheekada qaybtii Tobnaad la socotay waxa ay inoo maraysay iyada dhibanahii ,wiiilkisi yaraa iyo gabadhii la socotay ay soo galeen Dalka Denmark .markii ay Denmark yimadeen iyaga oo aan ku hakan waxa ay uga gudboon wadanka Sweden kadibna Norwey.

waa kan isaga oo sheekada halkii inooga sii wada:-

Saxiibaayaan Sacadu waa Sagaalkii habeenimo ,dhibkasta ha nasoo gaadhee waxa aanu soo Galnay Dalka Norwey ,gaar ahaan Magalada Oslo ,waa xili qabooba ah ,waxaa dhamaan dhulka ka da’aya Baraf aad u badan ,waxa aanu kasoo dhaadhacnay Baskii aanu sarayn,aniga iyo inanta ila socota midkayana ma yaaqaano meel uu ku hagaago.

Runtii anigu waxa aan wadankan ka aqaanay saxiibkaygii i xumeeyay ,inkasta oo aan Talafonkisi hayo ,balse hada niyadu mar labaad i siin mayso in aan gargaar waydiisto, mida kale ninkii ii arxami waayay aniga oo dhibataysan ,ma jirto sabab aan hada ula hadlaa.

Goobta aanu Baska kaga dhadhacnay waxa aanu ku aragnay dad Somali ah ,kadibna waxa aanu ka codsanay in ay na takuleeyaan, anaga oo u waayo sheeganayna.

Inta badan waa ay adag tahay Wadamada Yurub in qof aan ku garanaynini uu si sahala Gurigiisa kuu geeyo ,balse hadana Nin oday ah ayaa waxa uu naga ogolaaday in uu Gurigiisa na geeyo ,kadibna halkasi ayaanu seexanay Habeenkiina ku nasanay.

Markii waagu baryay aya waxa aanu is waraysanay Ninkii odayga ahaa ee aanu gurigiisa martida ku ahayn,waxa aan uga waramay dhibtii isoo qabsatay,waxa Aan u sheegay in saxiib qaaliya oo aan lahaa oo wadankan jooga uu ka mid yahay dadka safarka Tahriibka igula soo taliyay,markii danbana Talafonka iga xidhay.

Saxiibayaal ninkii aan Gurigiisa martida ku ahayn waxa uu gartay saxiibkayga wadankan Norwey jooga,waxa ii iga codsaday in ay fiican tahay in aan la hadalno una yeedhno,layaabna ay ku noqoto iyo fajaciso in aad maanta la joogto Norway,anna waan ka aqbalay waana loo yeedhay.

Waxaa talafonka kala hadlay Ninkii odayga ahaa waxaanu ka codsaday in uu u yimaado madamaa ay is garanayeen ,wakhti yar ka bacdo waa uu noo yimi.

Markii u horaysay ee uu Albaabka kasoo galay waxa dhacday in uu si fiican ii garan wayay,balse hadana markii aan la hadlay ayuu i gartay,iguna soo baday ,Laabtana laabta ii saaray,isaga oo aan wajigiisa ka dareemayo calool xumo wayn.

Waxa aan ka codsaday markiiba intii anan hadal kale galin in uu Gurigan aanu martida ku nahay,naga kaxeeyo Gurigiisana na geeyo,kadibna sidii aanu wadankan isaga dhiibi lahayn uu tababushaheeda nala galo.waxkasta oo aanu u bahanahayna uu nagu garab qabto,iyada oo la iska ilaabayo wixii hore ee dhacay.

Nasiib xummo ilayn Saxiibkay Wadankaba Sharci kuma laha ,waxa uu haystaa Sadaxdii Diidmo ee u danbeeyay,Norway waxa ay hore uga codsatay in uu Wadanka si dhakhsa ah uga baxo,waxa ay noloshiisu ku xidhan tahay Dadka Somalida ah,kaasi oo maalinba qof wax la cuna Habeenba Gurina uu u hoyda.

Intaasi markii aan ogaday waxa igu soo dhacay ,maxay ayuu hadaa saxiibka kusoo lugoynayay.maxay ayuu ka fa’idayaa dhibatadada,balse waxa aan ogaday in dhamaan dhalinyarada Yurub joogta ay badan koodu sidan u badan yihiin,oo iyaga oo aan qarkood sharciba lahayn ay Saxibadood soo lugoyaan iskana dhigaan kuwo wadanka sharci ku haysta.

Saxiibayaal waxba yaan hadal idinku daalin,waxa aanu mudo kusii noolayn Gurigii ninkii noo ixsaanka sameeyay,waxa aanu isku habaysanay Interview gii aanu is lahayn sharciga ayaad ku helaysaan,ayaamo ka bacdina waxa aanu tagnay dhamaan tayo goobta la iska dhiibo,waxaa nalaga qaaday waraysiyadii u horeeyay ,kadibna waxaa naloo qaaday goobtii aanu ku nolaan lahayn.

Saxibayaal muddo ka bacdi ayaa waxa ii soo dhacday warqad caday naysa in aan u diyaar garoobe qaybtii labaad ee waraysiga ,waxa aan tagay Xafiiskii laanta socdaalka waxa la iga waraystay dhibta aan wadankan u imi taasi oo aan dhamaanba uga waramay .

Asxaabey Afar Bilood ka bacdi ayaa waxa ay warqadi iiga timi laanta socdaalka Norwey ,kadibna warqadii ayaan furay,runtii si fiican umaan fahmin waxa ku qoran,balse waxa aan iska dhaadhiciyay in Diidmo la i siiyay ,taasoo ku badan dhalinta Somalida ee Norwey.

Warqadii ayaa waxa aan ula tagay Dadka afka yaqana markii ay ii Turjumeen waxa ay ii sheegeen in ay ku qoran tahayu Sadaal odhanaysa waxa aad heshay Sharci Degenaasho oo Norwey ah,taasi oo aad iiga farxisay.

Ayaamo ka bacdi waxa aan tagay Xafiiskii lanta socdaalka,markii aan galay xafiiskii isla markana aan Kursiga fadhiistay,ayaa waxa warbixin i siisay Gabadh Norwigi ah taasi oo ii sheegtay in aniga iyo Inanka yar ee aan dhalayba aanu sharciga wadanka aanu helnay.

Farxad awadii ayaa halkii aan joogay ku Sujuuday Gacmahana kor uu taagay aniga oo Ilahay ku mahadinaaya,waxa kaloo iyana ayaamo ka bacdi uu sharcigii usoo dhacay Gabadhii aanu wada soconay.

Asxabeey waxa ay sheekadaydii kusoo dhamaatay aniga iyo Gabadhii aanu safarka Yurub isku baranay oo Labadayaduba aanu sharcigii helnay isna Guursaday .

Waxa aanu u yeedhnay oo Gurigii aanu ku jiray nagula nalaa Saxiibkaygii aniga i xumeeyay ,kaasi oo aan Ilahay dartii isaga cafiyay,aniga oo waxkasta oo uu u bahdo sinayay.

Saxiibayaan waxaan dhalinyarada kula talinayaa in aanay sahlanayn Safarka iyo socodka Yurub loosoo galaa,balse hadana madama anaga ILAHAY noo fududeeyay helitaanka sharciga waxa aad ogataa in ay aad u adag tahay in maanta Yurub sharci laga helaa.

sheekadiina halkaas ayay ku dhamaatay

Qofkasta oo Sheekadan Qaybaheedii hore ay dhaaftay waxa uu kala soconaya, barahayga hoos ku magacaban :-

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

https://twitter.com/khadar_aar

W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE