War Farxad Leh Shacbiga Reer Somaliland-noow Rag Waakii Kala Warqaatee …..W/Q Sultan Abdikariim Farah (Dulmi DIID

War farxad leh shacbiga reer somalilandnoow rag waakii kala warqaatee waftigii uu hogaaminayey gudoomiyaha baarlamaanka  JSL ahna gudoomiyaha xusbiga mucaaradka ah ee wadani  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cirro ee booqashada ku marayey wadamada maraykan iyo kanada (Canada) W/Q Sultan Abdikariim Farah (Dulmi DIID)….

HORDHAC
Somaliland ninba sibuu u arkaa waxaa jira kooxo ay horseed u yihiin xusbiga KULMIYE iyo taageerayaashiisu oo Somaliland u yiqaana inta u dhaxaysa BURCO iyo HARGAYSA
waxaa sidoo kale jira rag aan ku jiro oo Somaliland u yiqaana Somaliland oo dhan…..

Hadaba kooxaha u haysta somaliland  in ay   BURCO iyo HARGAYSA   oo kaliya tahay ee xusbiga kulmiye horseedka u yahay waxay dhagahoodu maqlaan waxay ugu neceb yihiin….
(1)”dalki wuu is raacay

(2)”hebel oo Somaliland shalay ka soo horjeedey maanta wuu taageesan yahay

(3)”waar dalka waa lawada leeyahaye talada dadka ha loo qaybiyo

(4)”dalka ciidan isma raacin karee caqligu hays raaciyo cadiifadan iyo cago juglayntan hala joojiyo IWM…..

Raga aan ku jiro ee somalilandna u yiqaana Somaliland oo dhan waxay dhagahoodu maqlaan waxay ugu jecel yihiin….

(1)”dalki waa israacay

(2)”dalka waa la wada leeyahay

(3)”waa la heshiyey

(4)”waa la heshiinayaa

(5)”waxaa laga hadlayaa sidi somaliland 100% la isugu raaci lahaa

(6)”waxaa lagu heshiiyey in intifaaca dalka lawada yeesho

(7)”awood qaybsigii dalku maanta uun buu si fiican u hirgalay IWM…

HADABA WARKA FARXADA LEHI MUXUU YAHAY…?

Wafdigii uu hogaaminayey Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cirro ee booqashada ku yimid wadamada maraykan iyo kanada waxay shacbiga reer somaliland u soo hooyeen guulo la taaban karo horseedna u noqon doona wada jirka shacbiga reer somaliland iyo qarannimada madax banaanida somaliland….

Waxaan hadaba idiin xaqiijinayaa in qurbe joogtii markii hore somaliland kasoo horjeeday ee ku sugnayd wadamadan maanta ay kor u hayaan calanka towxiidka alle ku qoran yahay ee Somaliland iyagoo diyaar u ah sida ay wax ula qabsan lahaayeen walaalahoodii kale ee somaliland ugana qayb qaadan lahaayeen  dhismaha horumarka iyo taabo galinta qaranimada somaliland…

Fiiro Gaar Ah

Hadii aad aragtaan dad tashushadeynaya  booqashadii waftigii uu hogaaminaye gudoomiye Cirro iyo hadaladii uu ka jeediyey xafladihii lagu soo dhaweeyey waxaad ogaatan in ay yihiin dadka u haysta somaliland BURCO iyo HARGAYSA oo kaliya  kana xun  in ay is raacaan dadka reer somaliland (kulmiye kala dire)…

Sidii caadada inoo ahayd Balanteenu waa baabiinta dhaqanka xun ee haybsooca aafada qabyaalada Dulmiga iyo Xaqdarada ka jira gayiga somalida

WAA TILMAAMIHII TALADII IYO TOOSINTII SHACABKA

Gudoomiyaha Ururka Cadaalada iyo Sinaanta Soomaaliyeed ee SIME Ahna Qoraha barnaamijka Qalinka Nabada somaliyeed…
Sultan Abdikariim Farah DULMI DIID.

index index1 index2 index3 index4 index5 index6 index7 index9 index10 index12 index14 index15

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE