Maxaad Ka ogtahay Dhaqaalaha Uu Shabeelada Hoose Maalin Walba Ka Qaato Ibraahim Najax Iyo Ilaha Uu Ka Helo (Xog)

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada hoose Ibraahim Najax oo markii loo magacaabayey xilkan ku iibsaday lacag gaareysa ilaa $50.000, ayaa dhaqaalihiisa inta badan kasoo xareeyey ilo dhaqaale oo ku abuurtay Gobolka.

Ninkan ayaa dhaqaale ahaan aad uga sareeya kuwa kale ee xilalka ka haaya Gobolka ee isugu jira Kuwo Kaaba Mooryaanta ah iyo kuwo Madaxweyne Shariif uu u qoondeeyey lacaha ay ka qaataan isbaarooyinka.

Qoraalo hore aan u daabacnay ayaan kusoo gudbinay dhaqaalaha maalin walba uu Madaxweyne Shariif meel u saaray kaaba Mooryaanta dhul boobka ka wada Shabeelada hoose ayaan markan waxaan dabagal ku sameynay dhaqaalah xooga looga qaado shacabka qoondada uu ka leeyahay Najax.

Halka hoose kala soco

1-Isbaarada Taala Deegaanka Leego ee xuduuda Shabeelada hoose uu la wadaago Gobolka Baay Najax waxa uu ka qaataa maalin walba 9, Milyan oo shilin soomaali ah oo u dhiganta afar boqol oo doolar,$400

2-Isbaarada Taala Baar Ismaaciil ee degmada Afgooye waxa uu ka qaataa maalin walba lacag gaareysa ilaa 20, milyan oo u dhiganta $1000

3-Canshuurta laga qaado bil walba gaadiidka Shabeelada hoose (Tarismitaraale) waxa uu ku leeyahay share gaaraya 20%

4-Isbaarada taala halka loo yaqaan Shanta Golaha sare ee degmada Lafoole waxa uu ka qaata maalin walba lacag gaareysa Todobo Milyan oo u dhganta ku dhawaad seddax boqol oo doolar $300

5-Canshuur iyo lacago kale oo laga qaado Isbaaro taala degamada Baraawe ee Gobolka Shabeelada hoose waxa uu ka qaataa maalin walba lacag qiyaastii gaareysa 10%

Nambarka ugu dambeeya ee IbraahimAadan Cali Najax uu ka helo dhaqaalaha ayaa ah hey’adaha Samafalka ee doonaya in shaqooyin ka fuliyaan shabeelada hoose

Hey’adaha ayaa hadba lagu qiimeeyaa awoodahooda howl fulineed, kuwa howlaha yar yar fulinaya ayaa lacagta uu ka qaato ay gaareysaa %2000, halka kuwa fuliya shaqooyinka kale ee waaweyn uu ka qaato lacag gaareysaa $5000

download
Ibraahim Aadan Cali (Beenaale Najax)

Hadaba Mas’uulka ugu sareeya Gobolka Shabeelada hoose Ibraahim Cali Aadan (Beenaale Najax) ayaa ku howlan aruurinta dhaqaalaha intaasi la’eg ee ay ka baahinyihiin ulshada uu Gudoomiyaha u yahay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE