Dhageyso Xildhibaan Ka Tirsan Maamulka K/Galbeed Oo Isagoo Ku Sugan Magaalada Marka Warbaahinta La Hadlay

Xildhibaano ka tirsan maamulka K/Galbeed iyo mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose oo maalmihii ugu dambeeyey socdaalo ku maraayey degmooyin ka tirsan gobolka aShabeelaha Hoose ayaa sheegay inay ciidamada AMISOM ee Sh.hoose ku sugan ay ka dhageysteen in deegaanadan ay booqanayaan aysan ka jirin adeegyada bulshada sida Waxbarasho, Caafimaad iyo Biyo Nadiif ah.

Xog rasmi ah ma laga haayo hadafka laga leeyahay socdaalka xildhibaanadan oo dhammaantooda ka soo jeedo degmada Marka maadaama xili adag lagu lagu soo beegay oo magaalada Marka dhibaato ba’an ka jirto, balse waxaa la sheegayaa in xildhibaanadan uu soo diray Shariif Xasan isla markaasina socdaalkooda uu la xiriiro doorashada madaxtinimo ee Somalia ka qabsoomi doonto sanadkan dhammaadkiisa. Shariif Xasan ayaa aad u daneynaayo in xildhibaanada Federalka ee beesha Biimaal ee la soo xuli doono inaysan kuwoo ka madax banaan siyaasadiisa.

Xildhibaan Maxaad Maxamed Ciise ayaa isagoo ku sugan magaalada Marka uga warbixiyey Radio Danan ajendaha socdaalkooda.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran