RW. Kuxigeenka Oo Booqday Goob Imtixaan Looga Qaadayey Ardayda Dooneyso Inay Qaataan Shahaadada W. Waxbarashada Dowladda Federalka (Sawiro)

RW kuxigeenka dowladda Federaalka Maxamed Cumar Carte ayaa maanta kormeer ku tagay goob lagu qaadaayey imtixaanka Shahaadiga ee lagu qaadanaayo shahaadada ay bixiso W. Waxbarashada dowladda Federalka.

Goobta uu booqday RW kuxigeenka ee imtixaanka lagu qaadayey ayaa ah dhismo ay degan tahay Jaamacadda Ummadda ee dhowaan laga furay magaalada Muqdisho.

Ardayda Imtixaanka galeyso oo u badan ardayda sanadkaan ka qalin jabisay Iskuulada FPENS ee Koonfurta Somalia ayaa lagu qasbay in mar labaad imtixaankan galaan si ay tasdiiqin uga helaan Wasaaradda Waxbarashada iyadoo la sheegayo in lacago fara badan lagu qaato wadiiqada loo maro shahaadada DF.

MCC MCC0 MCC1 MCC2 MCC3 MCC4 MCC5

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran