Xildhibaanada K/Galbeed Iyo Gudoomiye Xasan Shiino oo Maanta Loo diiday Inay Istaafkooda U Wataan Xarumaha Maamulka Degmada Marka Oo Ay Booqanayeen (Warbixin)

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Maamulka Koonfur galbeed iyo gudoomiye kuxigeenka Shabeelaha hoose ayaa maanta booqday xarumaha maamulka degmada Marka sida xarunta Dowladda Hoose iyo Isbitaalka degmada Marka oo ay wada degenyihiin Mooryaanta Habar gidir iyo maleeshiyaadka Milateriga sheegto ee Hawiye.

Xildhibaanada K/Galbeed iyo gudoomiye Xasan Shiino waxaa amnigooda sugaayey laga soo bilaabo deegaanka Laanta Buuro ilaa xaafado ka tirsan magaalada Marka ciidamada Daraawiishta K/Galbeed (Ciidamada Deegaanka).

Xaalka maanta wuu ka duwanaa sidii hore, Xildhibaanada iyo Gudoomiye Kuxigeenka oo dhammaantooda ka soo jeedo degmada Marka ayaa maanta loo diiday inay Istaafkooda u kaxeystaan xarumaha maamulka degmada Marka, waxaa galbiyey Ciidamada AMISOM iyo Horjoogaha maleeshiyaadka Milateriga Xasan Culusow C/laahi Hurdaaye oo ka mid ahaa dhagar qabeyaashii dil iyo barakicin isugu daray shacabka Beesha Biimaal ee gobolka Sh.hoose.

Shabakadda Markacadey.com ayaa ogaatay in Sababta keentay in Ciidmada AMISOM iyo C/laahi Hurdaaye ay maanta u galbiyaan Xildhibaanada iyo Gudoomiye ku xigeenka booqashada xarumaha degmada Marka. Horjoogeyaasha maleeshiyaadka Hawiye ee Milateriga sheegto iyo Kaabo Mooryaanta Habargidir ayaa diiday in xarumaha maamulka degmada Marka la keeno ciidamada deegaanka oo  istaaf ahaan ay u wateen Mas’uuliyiintaan reer Marka ah.

Go’aanka ah in istaafka laga tago ayaa waxay sababtay inay kala qeybsamaan Xildhibaanadii 4-ta ahaa iyo gudoomiye Xasan Shiino, qaarkood waa ay diideen inay qeyb ka noqdaan socdaalka lagu tagayo xarunta Dowladda Hoose iyo Isbitaalkadegmada Marka halkaasoo ay wadan degan yihiin Maleeshiyaadka Xasan Culusow iyo Mooryaanta Habargidir ee ka amar qaato Cali Cilmi(Swisso Kalmo), qaar kale ayaa ogolaaday in Amnigooda ay ku aminaan horjooge C/laahi Hurdaaye oo sanadkii 2014-ka masjidka Muuri dhexdiisa ku dilay 6 culimo oo salaadda Maqribka ku dukaday.

Bishii Febraayo ee sanadkan 2016-ka ayey mooryaanta Habargidir iyo Maleeshiyaadka Xasan Culusow ay xoog kula wareegeen xarumaha maamulka degmada Marka iyadoo xiligaas shirqool lagu khaarijin lahaa gudoomiye Xasan Cumareey uu fashilmay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE