Dowladda Jabuuti Oo Raashin Gargaar Ah Ka Qaybisay Magaalada Beledweyne (Video)

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Xagar Dabageed ayaa maanta gudoomay Deeq Raashin ah oo dowladda jabuuti ay ugu talo gashay in loo qaybiyo shacabka magaalada Beledweyne. Raashinka ayaa isugu jira Bariis, Sokor, Bur iyo Saliid.

Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiyo Soomaaliya mudane Dayib Dubad Rooble ayaa ka hadlay munaasabadda Raashinka loogu qaybinaayey isagoo sheegay in deeqdan ay ka faa’ideysanaa qoysas gaarayo labo kun iyo afar boqol (2,400) qoys.

Danjire Dayib Dubad Rooble ayaa sheegay inDeeqdan si gaar ah uga timid marwada madaxweynaha Jabuuti Khadra Maxamuud Xeyd oo si gaar ah u dareentay dhibaatada haysato shacabka magaalada Beledweyne.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE