Lacag Cusub Oo Mardhow Loo Soo Daabacaayo Somalia

Gudoomiyaha Bankiga dhexe ee Somalia Bashiir Ciise Cali ayaa warbaahinta u sheegay in sanadka 2017-ka horaantiisa la soo daabici doonto shilin Soomaali cusub oo bedeli doona lacagta hada la isticmaalo.

Bashiir Ciise Cali ayaa xusay in shirkado caan ah oo la yaqaano ay soo daabici doonaan lacagta cusub iyadoo hay’ada lacagta aduunka(IMF) ay dowlada Somalia arintan gacan ka siin doonto.

Gudoomiyaha Waxaa uu sheegay in xiligan lacagta dollarka Mareykanka uu noqday lacagta rasmiga ah ee laga isticmaalo Somalia taasoo uu sheegay in dadka masaakiinta ah ee Somalia aysan awoodin adeegsideeda iyo qiimaheeda.

Lacagta Shilinka Soomaaliya ayaa burburay kadib markii ay dhacday dowladdii Milateriga Soomaaliya 1991-kii iyadoo lacago been-abuur ah ay soo daabacdeen ganacsato Soomaali ah taasoo sicir barar ku riday shacabka isla markaasina ka mid noqotay lacagta xiligan wareegeyso Suuqyada Koonfurta Somalia marka laga reebo Somaliland oo sameysatay Shilin gaar ah oo uu maamulaayo Bankiga Dhexe Ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran