Madaxweynaha Kenya Oo Lagu Eedeeyey Inuu Bulshada Soomaalida Ka Takooray Bulshada Kale Ee Kenya (Sawiro)

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maalmahaan booqasho ku maraayey deegaano badan oo ka tirsan dalka Kenya iyadoo deegaanada uu booqanaayey ay ku jiraan degmooyin ku yaalo gobolka Soomaalida degto ee Waqooyi Bari (North Eastern Province).

Booqasho uu madaxweyne Uhuru Kenyatta ku tagay magaalada Wajir (Wajir) ayaa muran badan dhalisay kadib markii la baahiyey Muuqaalo muujinaayo madaxweynaha oo ka hor hadlaayo shacabka degmada Wajeer oo uu kala qaybiyo Silig iyo Ciidamo aad u hubeysan.

Siyaasiyiinta gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa booqashada degmada Wajir ee madaxweyne Uhuru Kenyatta la barbar dhigay booqasho uu ku tagay degmada Kiambu(Kiambu County) oo ku taalo bartamaha Kenya taasoo ay ka muuqdeen taasoo ay ka muuqatay madaxweyne Uhuru Kenyatta oo gacan qaadayo bulshada degmadaasi isla markaasina ku dhexmilmay.

Uhuru Uhuru1 Uhuru2 Uhuru3

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE